Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada magangeliyada ka dalbata Sweden oo hoos u dhacday

La daabacay tisdag 19 april 2016 kl 16.50
Германия нарушает Дублинскую конвенцию
Foto: Marcus Ericsson/TT

Saddexdii bilood ee ugu horeysay sannadkan waxaa Sweden magangeliyo weydiisatay tiro gaaraysa 9.147 ruux.

Halka sannadkii hore saddexdii bilood ee ugu denbeysay tirada magangeliyada ka dalbatay Sweden ay aheyd 90.000. Bilahii januari-mars 2015 tirada magangeliyo donka waxay aheyd 13.053 oo qof.

” Kontorol ay waddamo badan Yurub xaduudahooda ka hirgeliyeen ayaa u sabab ah hoos u dhaca magangeliyo doonka Sweden soo gaaraya. Balse way adag tahay weli in la sheeko si rasmi ah loo sheego saameynta ay kontoroladan ku yeelan doonaan qaxootigii Sweden soo gaari jiray", ayey tiri Christina Eklöf oo ah sarkaalad ka howl-gasha hey’adda Migrationsverket.

Hos u dhaca tirada magangeliyo doonka ayaa sidoo kale laga dareemayaa carruurahii keli socodka ahaa ee Sweden soo galayey. Bishii oktober Sweden waxaa iska dhiibay 9.339 oo ah carruuro keli socod ah, halka bishii mars ay waddanka iska dhiibeen 121 ah carruur keli socod ah.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".