Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Will u dhashay boqortooyada Sweden

La daabacay onsdag 20 april 2016 kl 09.24
Prins Carl Philip möter pressen.
Amiir Carl Philip oo la kulmay saxaafadda kadib markuu wiil loo dhalay. sawir: Thommy Tengborg/TT

Xalay fiidnimadii ayuu wiil ugu dhashay hosbitaal ku yaala Stockholm amiir Carl Phillip iyo xaskiiisa Sofia.

Wiilka waxuu ku dhashay hosbitaalka Danderyds Sjukhus saacaddu markey ku beegneyd 18.28 daqiiqo habeynimadii talaadada. Lamaanaha ayaa markuu uu wiilkan ku soo biiray qoyskooda isku soo qaadey magaca uu yeelanayo laakiin weli lamo shaacin magaca uu yeelanayo iyo derajada lagu magacaabi doono, balse waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo maalinta khamiista oo bisha ku beegantahay 21 april.

Amiir cusub ee ku soo biiray qoyska boqortooyada Sweden ayaa liiska dhaxal suga ka galaya kaalinta shanaad, iyadoo ay ka horeeyaa eedadiisa Vicktoria, ilmo eedadiis amiir Estela iyo Oscar iyo weliba wiilkan abbabhiis Carl Phillip.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".