Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baarista da’da ee dhallaanka keli-nimada Sweden ku yimaada

La daabacay onsdag 20 april 2016 kl 10.45
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson (S). Sawirle: Henrik Montgomery/TT
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson (S). Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Dawladda ayaa ku talo jirta in dib loo bilaabo baarista da’da soo galootiga dalka magangelyada ka dalbada ee sheegtay iney da’doodu ka hooseeyso 18 sannadood.

Sida ku cad war-bixin laga soo xigtay wasiirka socdaalka Morgan Johansson, iyadoona maanta saacaddu markay tahay 12:00 duhur-nimo ay hayadda maamulka caafimaadka ee Socialstyrelsen ay soo ban-dhigi doonto fikirkeeda la xiriira ammuurtaa, midkaasina oo saameeyn ballaaran ku yeelan doona nidaamka is-dhiibista ee soo-galootiga dalka ka dalbada magan-gelyo-doonka.

Sida uu yahay nidaamka iminka la isticmaalo ayey ka taagan yihiin su’aalo badan, iyadoonaay ey marar badan dhacdo in qaar badan oo qaan-gaar ahi ey isku dhiibaan ama magan-gelo ugu dalbadaan, isla-markaana loogu diiwaan geliyo sidiiyoo ey yihiin dhallaan aan qaan-gaarin.

Sannadkii ina dhaafay ee 2015 ayey dalka magan-gelyo-doon-nimo ku yimaadeen tiro gaarsii-san 35 000 ee dhallaanka keli-nimada dalka ku yimaada, middaasina oo dalka ka kicisay dood ballaaran ee la xiriirta sidii loo miisaaniyad gelin lahaa.

Qiimeeynta da’da ayaa ku fadhida qiime ballaaran kolka laga hadleyo nidaamka hab-dhaca howlaha socdaalka, maadaama uu shakhsiga aan qaan-gaarka ahayn ey uga sahlan tahay sharci-siinta kolka loo barbar-dhigo ruuxa qaan-gaarey, iyo weliba xuquuqo kala duwan oo ey leeyihiin.

– Dhallaanka ayaa dalabkooda magan-gelyo loo eegaa iyada oo laga amba-qaadeyo ilmo-nimada. Waxey ku saabsanaan kartaa in looga cabsi qabo guur khasab ah, in dagaal loo isticmaalo, ama oogadooda laga ganacsado, sida ay sheegtay Christina Heilborn, ahna gar-yaqaan ka howl-gasha Unicef.

Dhallaanka keli-nimada dalka ku yimaada waxey sidoo kale iska leeyihiin xuquuqo gaar ah inta dalabkooda magan-gelyo lagu hoowlan yahay oo ey ka mid yihiin dar-yeel caafimaad, tacliin, deegaan gaar ah – HVB-hem iyo sidoo kale cid u gasha booskii waalidkood waxa lagu magacaabo ”god man”. Da’da shakhsigu jiro ayaa sidoo kale saameeyn ku yeelaneeysa kolka uu shakhsigu dembi galo iyo ciqaabta lagu xukumeyo, iyadoona dhallaanka aan qaan-gaarin ey ciqaabtoodu ka fududahay kolka uu shakhsigu yahay qaan-gaar.

Isha/ TT, DN

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".