Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyinka degsadey qorshaha ka hortagga xagjiriinta oo tiro yar

La daabacay onsdag 20 april 2016 kl 11.02
Mona Sahlin: Wax ka qabad badan baa ka dhiman
(2:56 min)
Mona Sahlin.
Mona Sahlin är nationell samordnare mot våldsbejakande extremism. sawir: Henrik Montgomery/TT

Tiro ka yar kalobar degmooyinka dalka ayaa sawir cad ka heysta sida ay tahay xaaladda la xiriirta kooxaga xagiriinta rabshoolayaasha ah.

Boqolkii todobo keliya degmooyinka ayaa degsadey hanaan qorsho oo ka dhanka xagjirka. Sidaas waxaa muujinayey xog aruur uu sameeyey iskuduwaha qaran ee dowladda.

Muddo laga joogo labo sanno ayey aheyd markii laga dhigay Mona Sahlin iskuduwaha qaran ee ka hortagga xagjiriinta rabshoolayaasha ah. Balse saas oo ay tahay howl-sha ka hortagga xagjiriinta weli wax badan ayaa ka dhiman.

- Weli waxaa u arkaa arrinkan in uu yahay dhibaato weyn oo heysta Sweden. Xoogaa tillaabooyin ah horay waa loo qaadey laakiin fahamka ah sida xagjirnimada Sweden u egtahay weli si wanaagsan looma wado fahmin, ayey tiri Mona Sahlina, iskuduwaha qaran ee ka hortagga xagjiriinta rabshoolayaasha ah.

Xog uruurin iskuduwaha qaranka ka sameeyey guud ahaan degmooyinka dalka ayey ugu cadaatay sida ay u egtahay xaaladda xagjiriinta dhibwadoyaasha ah ee waddanka ka jira. Boqolkii 70 degmooyinka dalka ayaa ka soo jawaabey su'aalahii lagu weydiiyey xog uruurintan.

Natiijadana waxay muujineysaa in gaar ahaan degmooyinka yaryar ay ka jirto gabaabsi shaqada looga hortagayo xagjiriinta. Saddex meelood degmooyinka su'aalaha ka jawaabey waxay sheegeen in aysan war u heynin xagjiriinta in ay joogan ama ka jiraan degmadooda.

- Taageerayaasha kooxda Daciish ama taageerada loo hayo fikradaha xagjirka ah ma ahan kuwo ku kooban keliya dhowrka boqol ee dibaddaha u socdaalay balse waa ka balaaran tahay, taasna waa aqoon ay degmooyinka qaarkood iska indho tirayaan. Waxaan oran karaa degmooyinka dhamaantood war uma hayaan sheekooyinka ka socda xaafadahooda, ayey Mona Sahlin.

Degmooyinka intooda badan markey sheegeen an ka jiraan deegaanadooda xagjiriin rabshoolayaal ah waxay kalobar ku sheegeen xagjriintas kuwo ah xagjiriinta midigta fog. Halka boqolkii 36 keliya sheegeen in ay ka warhayaan xagjiriin ah islamist.

Dhanka kalena degmooyinkan saddex meelood keliya ayaa hirgeliyey dadaalo aqoon korarsi oo looga hortagayo xagjirinta iyadoo boqolkii todobo keliya degsadeen qorsho looga hortagi karo xagjriinta dhib wadoyaasha ah.

Labo sanno ka hor ayey aheyd markii la magacaabay guddiga heerka qaran ee ka hortagga xagjirinta, oo Mona sahlin loo magacaabay madaxa iskuduwaha qaran. Bisha Jun xaggaan fooda nagu soo haya ayaa howl-sha loo magacaabayguddigan ay horumoodka u tahay dhamaaneysaa. Laakiin saas oo ay tahay Mona Sahlin waxay leedahay wax badan ayaa ka dhiman wax ka qabadka howl-shii loo egmaday, inkasta oo ay sheegtay in ay jiraan tilaabooyin horay loo qadey.

- Way i dhiiri-gelinaysaa shaqadaan bilownay, inkasta oo ay wax badan ka dhiman yahiin, ayey tiri Mona Sahlin.


Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".