Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baris dacwadeed hoos loo dhigey

La daabacay onsdag 20 april 2016 kl 12.55
Go'aan sax ah oo la filayey ayuu ahaa
(1:27 min)
Agaasimihii hore ee bangiga Swedbank Michael Wolf. Sawirle: Nora Lorek/TT.
Agaasimihii hore ee bangiga Swedbank Michael Wolf.Sawirle: Nora Lorek/TT.

Baaris-dembiyeedkii lagu hayey agaasimihii hore ee bangiga Swedbank oo hoos loo dhigey.

Agaasimihii hore ee bangiga Swedbank Michael Wolf oo ay ku socotay dacwad la xiriirta inuu ganacsi ku galay arrimmo aan bannaanka u soo bixin oo shacabku aannu ka war-heyn oo uu ku ogaaday shaqadiisa ayaa hoos loo dhigey. Agaasimaha ayuu hoggaanka bangig Swedbank dacwad ka gudbiyay bishii feeberaayo ee sannadkan eynu ku jirno 2016.

Gar-yaqaanka Michael Wolf oo lagu magacaabo Leif Gustafson ayaa u xaqiijiyay laanta wararka ee Ekot in hoos loo dhigay dacwaddii lagu soo oogey.

– Go’aan dhab ah oo la sugayey ayuu ahaa go’aanka la gaarey, sida uu sheegay Leif Gustafson mar telefoon lagu wareeystay isaga oo gaarigiisa saaran.

Wax war ah miyaa kaa soo gaaray xeer-ilaaliyihii dacwaddan?

– Shalayto ayuu farriintaa iigu soo gudbiyay telefoon, hase yeeshee wax intaa dhaafsii-san iyo sababta dacwadda hoosta loogu dhigey kama aan hayo, sida uu sheegay Leif Gustafson.

– Michael Wolf muxuu arrinkaa ka leeyahay?

– Aad buu ugu farax-san yahay in go’aan noocaasi ah degdeg loo gaarey.

Isha/ Ekot

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".