Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Yasri Khan oo la noqday musharaxnimadii golaha sare ee Miljöpartiet

La daabacay fredag 22 april 2016 kl 12.00
Soomaalida oo ku kala jaban doodda ka aloosan MP
(10 min)
Xamsa Cumar. Foto: Kenadid Mohamed/SR
1 av 2
Xamsa Cumar. Foto: Kenadid Mohamed/SR
Yasri Khan (MP).
2 av 2
Yasri Khan (MP) drar tillbaka sin kandidatur till partistyrelsen. sawir: TT och Sveriges Radio

Yasri Khan, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Miljöpartiet una sharaxnaa golaha sare ee xisbiga ayaa hadda dib ula noqday musharaxnimada, iskagana harey siysaadda. Kadib markii lagu dhaleeceeyey haweenka oo uusan gacanta ka salaamin.

Khan ayaa difaacay Mehmet kaplan wasiirk guryeynta ee dhawaan iscasilay, laakiin waxay tani timid markii uu diidey gacanta in uu ka salaamo wariyed ka socotay telefishinka TV4 oo kadibna dhaleeceyno badan uga yimaadeen gudaha xisbigiisa iyo dibaddiisaba.

Joakom Larsson ka mid ah guddiga doorashada ee xisbiga Miljöpartiet ayaa Ekot u sheegay in uu kalo hadlay Khan go’aankiisa, sidoo kalena waxuu xaqiijiyey in uu jiro dhleecen badan xisbiga guddahiis oo laga keeney ninkan.

- Ujeedadiisu waa in uu ka noqdo musharadnimada. Waqtiyadii ugu denbeeyey ayuu ka fikiray xaaladda iyo waxii dhacay waxuuna go’aansaday in uu ka noqdo musharaxnimada. Weyna jirtaa in xisbiga gudahiis laga muujiyey gilgilsho markan ku talinay in golaha sare lagu Khan, ayuu yeri Joakim Larsson

Guddiga doorashada ee xisbiga horey way ula socdeen in Yasri Khan dumarka gacanta ku salaamin markii ay sharaxayeen in uu ka mid noqdo golaha sare ee xisbiga, laakiin Jaokim Larsson waa uu ka gaabsaday in uu sharaxa sida ay u fikirayeen markii ay ninkan u sharaxyeen golaha fulinta. Waxuuna ku gaabsaday in Yasri Khan la noqday musharaxnimadiisa. Dad badan ayaa su’aalo ka keenay sida ay isku qaban karto Yasri Khan in uusan dumarka gacanta ka salaamin siyaasadda Miljöpartiet ee ku dhisan mabda’a sinaanta ragga iyo dumarka.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".