Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fridolin oo ka jawaabaya dhaleecaynta loo soo gudbiyay MP

La daabacay torsdag 21 april 2016 kl 11.53
Fridolin: "Wa in gabdhaha la ixtiraamo"
(1:52 min)
Mehmet Kaplan och Gustav Fridolin.
Mehmet Kaplan och Gustav Fridolin. sawir: Janerik Henriksson/TT

Xisbiga Miljöpartiet ayaa beryahaan xaalad adag ku jirtay ka dib marka u wasiirka guryeenta Mehmet Kaplan booskiisi iska casilay islamarkaas na u Yasri Khan oo isku sharaxay in u mid ka noqdo hogaanka sare ee xisbigani diiday in u gabadh suxufiyad ah u gacanta qabto.

Saaka ayuu hogaamiyaha xisbigani Gustav Fridolin ka jawaabay dhaleecaynta loo soo gudbiyay.

-Waa in gabdhaha gacanta la qabto marka salaanta laga qaadayo, ayuu Fridolin ka sheegay barnaamijka P1 morgon.

Wuxuu raaciyay:

-Waa muhiim in gabdhaha la ixtiraamo.

Suaasha in u Yasri Khan yahay qof ku haboon in u mid ka noqdo hogaanka sare ee xisbiga Miljöpartiet, ayuu sidan Fridolin ka sheegay.

-Maamulaha gudiga soo diyaarinta doroshada, Joakim Larsson, ayaa u jeeday in u Khan ahaa qof booskan ku haboon, madama u yahay nin waxyaabo faro badan bulshadda ku soo kordhiyay. Larsson ayaa waagaas aaminsana in u ahaa nin ku haboon booskan. Hasayeeshe dhaleecaynta ka timid in u gabadhan gacanta qaban ayaa tusaysa in aanu aheeyn nin fadhiyi kara gudiga sare ee xisbigeena.

Xisbigan ayaa todobaadkii ugu dambeeyey si xoog leh loo dhaleecayey, si ay u xalliyeen arrinkan iyo in shaqaale xisbigan saxaafada u qaabilsani telefishinka SVT ku jidhi in suaalo la xidhiidha Mehmet kaplan la weeydiin mar ay wareeysan lahayeen maamulaha gudiga soo diyaarinta doroshada.

Shaqaalahan ayaa shaqada laga xidhay inta arrinkan la baadhayo.

-Hadii ay warbixintani run tahay waa wax aanu aqbali karin, ayuu sheegay Gustav Fridolin.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".