Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Guddoomiyaha Kommunal oo laga diiday in laga ansaxiyo howlahii ay soo qabatay

La daabacay torsdag 21 april 2016 kl 15.47
Annelie Nordström kommunals ordförande
sawir: Pontus Lundahl/TT

Fadeexadii Kommunal ayaa hadda keentay in xisaab hubiyaasha diidaan ansaxinta howlahii ay soo qabatay guddimyaha xilka ka degaya Annelie Nordström marka la qabta kulan weynaha ururka bilaha maj-juni.

Haday dhacdo in kulan weynaha u diida Annelie Nordström asaxinta howlahii ay soo qabatay sannadkii hore markas waxay noqoneysaa in ay ku furmaan mowjado maxkamadeed oo looga dalbanayo magdhow.

Arrinta ayaa salka ku heysa shirkad Kommunal leedahay oo la yiraahdo Lyran taas oo maqaaxiyo ku leh magaalada Stockholm oo soo hooysay faa’ido daro dhaqaale oo ka badan 90 Miljan. Sidoo kale Marcelos Rojas iyo Cecilial Rohdin ayaa ka tirsan golaha fulinta shirkadda Lyran ayey xisaab hubiyaasha ku taliyeen in aan laga ansaxin howlahii ay soo qabteen.

Ururada dalka Sweden ayaa xeerkooda yahay markii kulan weynaha sannadlaha ay qabsadaan in xisaab hubiyaashu ay ansaxiyaan waxaabahii maamulka ururka soo qabtay. Hadii maamulka loo diido ansaxin micnaheeda waxay noqoneysaa in waxii qaldamay ama halaabay uu maamulka masuuliyadeed dusha u ridanayo.

Kommunal waa urur iskaashato oo ku mideysan yahiin shaqaalaha badanaa ka howl-gala gobaasho ee degmooyinka ee leeyahiin, waana urur iskaashato ee ugu baaxad weyn Sweden.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".