Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Unionen oo laga diiday shaqo joojin

La daabacay torsdag 21 april 2016 kl 17.16
Arbetsdomstolen
sawir: Claudio Bresciani / TT

Ururka iskaashata Unionen iyo Sveriges Ingenjörer ayaa maanta maxkamadi go’aamisay in aan loo ogalay shaqo joojin in ay sameeyan.

Shaqo joojinta ururka damacsanaa ayaa la xiriirtay arrimaha howl-gabka.

Maxkamadda ayaa ku raaday ururka kulmiye shaqobaxiyaasha Almega doodiisa aheyd in aan weli laga baxin heshiiska u yaalay labada urur ee la xiriira arrimaha howl-gabka.

Arrintan waxay timid kadib markii ururada Unionen iyo Sveriges Ingenjörer ku hanjabeen in ay sameynayaan shaqo joojin maadaama laysku afgaran waayey inta ay ahaaneyso gunooyinka la siiyo qof markuu shaqada ka fariisto oo uu howl-gab noqdo.

Laakiin maxkamadda ayaa  maanta go’aamisay in aan loo ogalayn in ururadan sameeyaan shaqo joojin, maadaame aysan aheyn arrin ururada shaqaalaha u taala arrimaha la xiriira go’aaminta gunooyinka howl-gabka.


Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".