Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Saddex lagu helay kufis markab dushiis ka dhacay

La daabacay fredag 22 april 2016 kl 14.09
Foto: Hasse Holmberg/Scanpix.

Saddex ragga ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii maxkmad ku heshay kufsi in ay ka geysteen markab u kalo gooshayey Stockholm iyo Mariehamn jaziiradda Åland bishii Februari sannadkii hore.

Labo ka mid ah raggan ayaa lagu xukumay xabsi afar sanno ah halka kan saddexaad lagu xukmumay afar bilood, sida ay maanta ku dhawaaqday maxkmadda Södertorns.

Dhibanaha ay kufsiga u geysteen ayaa aheyd haweeney alkolo ku sarqaantay oo xaalad liidata ku sugneyd, sida ay qortay maxkamadda.

Fal kale oo ah tuhun kufsi ayaa ka dhacay markay kale oo biyahaan ku socday bishii mars sannadkan. Afar nin kale ayaa kiiskan lagu tuhmayaa kuwaas oo dhawaan maxkamad la soo taagi doono.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".