Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidanka ammaanka oo dhaleeceeayn loo soo jeediyey

La daabacay fredag 22 april 2016 kl 16.22
Kmbiyuutarro.
Sawirle: JANERIK HENRIKSSON/TT. sawir: JANERIK HENRIKSSON/TT.

Howlwadeennada ciidanka ammaanka ayaa suurtagal u haysta iney helaan xogta bulshada oo aaney marar badan xaq u laheyn iney eegi karaan, waana mid jebineeysa xeerka xogta ee u deg-san ciidanka ammaanka, sida ay qabto hayadda komeerka xogagta ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo – Datainspektionen oo amuurtaa baaritaan ku sameeysay.

Mid ka mid a sharci-yaqaannada hayadda kor-meerka xogta Cecilia Agnell ayaa sheegtay in ammuurtani tahay mid aad halis u ah, islamarkaana aan ka tarjumeeynin xeerarka dalka u deg-san.

– Waa nidaamka IT ee ciidanka ammanku isticmaalo sidii farriimmaha la isu gaarsiin lahaa, iyadoona farriin walba oo aaladdaa lagu diro ey akhri-san karaan ama ey gaarto dhammaan howl-wadeennada ciidanka ammaanka ee dalka qeybtey doonaanba ha ka tirsanaadaane. Waana mid ka bax-san xeerka xog-ururinta aaladda kombiyuutarrada ee u deg-san ciidanka ammaanka.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".