Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Peter Erikssom: Waa siyaasad is daldalaad ah

La daabacay måndag 25 april 2016 kl 16.30
Peter Eriksson (MP) Sawirle: Fredrik Persson/TT
Peter Eriksson (MP) Sawirle: Fredrik Persson/TT

Hogaamiyihii hore ee xisbiga Doogga (MP) Peter Eriksson ayaa dhaleeceeyn ballaaran u soo jeediyay sida uu hogaanka xibigu u maareeyay dhacdooyinkii toddobaadkii ina dhaafay la soo gudboonaadey xisbiga.

Eriksson ayaa sheegay in xisbigu u baahan yahay tallaabooyin adadag oo haddii kale e ka iman karaan khatarro halis ah. 

– Dhabbada illaa iminka la qaadey waa qoor-iska jar siyaasadeed, sida uu sheegay Eriksson mar uu u warramayay laanta wararka ee Ekot.

Shaqa ka fariisigii wasiirka guriyeeynta Mehmet Kaplan, ereyadii islaamiisteyaasha iyo guul-darradii xisbiga ka raacday su’aashii la xiriirtay iibinta shirkadda tamarta ee Vattenfall. Xisbiga Doogga (Miljöpartiet) ayaa ku sugan caqabaddiisii siyaasadeed ee ugu liidatay intii uu xisbigu jiray.

Labada hoggaamiye ee xisbiga Gustav Fridolin iyo Åsa Romson ayaa maanta faallo ka bixiyey, sheegeyna in haddii loo baahdo ey isaga deggeyaan kuraasta kulanka xisbiga uga dhici doona magaalada Karlstad muddo ey saddex toddobaad iminka dhiman yihiin. om tre veckor. 

Dhaleeceeymo ballaaran ayaa dusha looga tuurey labada hoggaamiye ee xisbiga, iyadoona uu maanta ku soo darsoomay hoggaamiyihii ka horreeyay Peter Eriksson. 

– Waxay ila tahay in loo baahaan yahay is-bedello, bilow cusub ayaa loo baahan yahay, si dib laysugu abaabulo howlo adagna loo qabto muddada ka dhiman doorashada, sida uu sheegay.  

Yaa kula tartami kara jagada laba hoggoomiye ee dooneya iney sii joogaan?

– Ma garan karo. Hase yeeshee waxay ila tahay inay suurtagal tahay. Waxaa xisbiga dhexdiisa ka jira dhaleeceeymo, waana mid loo baahan yahay in ururka doorashadu eegis ku sameeyo cidda sameeyn kari lahayd. Waa howlaha loo xil-saarey guddiga doorashada ee maahan howlo aniga ii yaala. 

Halis intee le’eg ayay leedahay caqabadani

– Waxaan aamin-sanahay inay tahay caqabad halis ah. Waxay wax u dhintay aaminaaddii loo hayey xisbiga guud ahaan iyo hoggaamiyeyaasha xisbiga. 

Horay ayaa loo shaaciyey in xoghayaha xisbiga Miljöpartiet Anders Wallner aannu jagada isku soo sharrixi doonin kolka la gaaro kulanka uu xisbigu yeelan doono bisha maajo. 

– Waxaan qabaa inay wanaag-san tahay in xoghayaha xisbigu aanu soo noqon doonin, sida uu sheegay Peter Eriksson. 

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".