Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidamada sir doonka Iswiidhan "Säpo" oo baaraya warar ay heleen

La daabacay tisdag 26 april 2016 kl 09.53
Säpo oo baaritaan wada
(0:52 min)
Swedish intelligence service Säpo is reviewing new information it received. Photo: Maja Suslin / TT.
Ciidamada sirdoonka Iswiidhan ee Säpo. Sawirkii : Maja Suslin / TT.

Ciidamada sir doonka dalkaan Iswiidhan ”Säpo” iyo ciidamada booliiska heer qaran ayaa dabagal iyo hubin  

ku haya warar ay heleen, sida ay sheegtey waaxda wararka idaacadda Iswiidhan kaas marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano Ekot.

Ciidamada sirdoonka ee Säpo ayaa ka gaabsadey in ay arrinkaan ka faaloodaan sida tusaale ahaan in arrinkaani argagixiso raad la leeyahay iyo inkale.

Simon Bynert waa sarkaalka  saxaafadda u qaabilsan ciidamada sirdoonka Iswiidhan ee Säpo :

  • Waxaan kuu cadeynayaa in aan hadda wadno baaritaan isdaba joog ah oo la xiriira wararkaan aan helney, balse darajada heegan ee looga hortago arrimaha argagixisada aan kor loo qaadi doonin ilaa iyo inta laga helayo warar dheeraad ah oo cusub, ayuu yiri Simon Bynert.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".