Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Libaraalka oo difaaca ku xoojinaya 10 milyaardar oo karoon

La daabacay tisdag 26 april 2016 kl 15.36
Xisbiga Libaraalka iyo xoojinta difaaca Iswiidhan
(1:01 min)
Liberalernas partiledare Jan Björklund visar upp deras nya logotype på Liberalernas riksmöte i Linköpings Konsert & Kongress. Foto: Stefan Jerrevång / TT
Hogaamiyaha xisbiga Libaraalka Jan Björklund. Sawirkii : Stefan Jerrevång / TT

Xigbiga Libaraal-ka ayaa raba in ilaa iyo sanadka 2020-ka la qoro askar boolis oo cusub kuwaas oo gaaraya 2 500 oo askari.

Xisbiga oo soo bandhigey miisaaniyadda oo rabi lahaa in uu dalkaan Iswiidhan u dajiyo haddii uu xukunka heyn lahaa ayaa ku cadeeyey in miisaaniyadda ciidamada shanta sano ee soo socota lagu siyaadiyo lacag dhan toban miljaarder oo karoon.

Hogaamiyaha xisbiga Libaraal-ka Jan Björklund ayaa arrinkaas sabab uga dhigey handadaadaha ku wajahan dalkaan Iswiidhan:

  • Waxaan aad iyo aad uga walwalsanahay waxa ka dhacaya dalka Ruushka, weerarada qaawam ee madaxweyne Putin, hub urursiga iyo daandaansiga ciidan ee ay ciidamada Ruushku ku hayaan deegaanada harada Östersjö ama xataa handadaadaha lidka ku ah dalkeena Iswiidhan.Arrimahaan waa in aan jawaab ka bixinaa sidaas daraadeed waxaa waajib nagu ah in aan difaaceena xoojino, ayuu yiri Jan Björklund.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".