Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xildhibaanad baarlamaanka Sweden katirsan oo baahisey film dacaayad ka dhan ah soomaalida

La daabacay tisdag 26 april 2016 kl 15.43
"Waxaan u maleynayey film SVT uu leeyahay"
(4:20 min)
Xildhibanad Amineh Kakabaveh
Xildhibanad Amineh Kakabaveh oo ah xildhibanad xisbiga Vänsterpartiet u fadhiya baarlamaanka Sweden sawir: HENRIK MONTGOMERY / TT

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanad xisbiga Vänsterpartiet u fadhida baarlamaanka Sweden ayaa dhamaadkii todobaadkii hore waxay boggeeda Facebook soo dhigtay film dacaayad ah oo ay kooxo xagjiriin midigta fog ah ka sameeyeen soomaalida, sida uu maanta fashilay wargeyska Expo.

Filmkan dacaayadda ah ayaa laga dhigay sida mid uu sameeyey telefishinka SVT, iyadoo la saaray qoraal turjumaad af iswiidhish beenabuur ah. Halka filmkan yahay mid laga soo qaatay telefishinka soomaalida ee Somali Chanel, kaas oo ku sabsanaa shirkad shaqaalaheeda xaflad abaalmarin ah u qabatay. Laakiin qoraalka af iswiidhishka ee beenabuurka ah ee la dulsaaray uu ahaa mid laga dhigay sida in dadka meesha ku kulansan leeyahiin ”qabiilkeena waxuu u guurayaa Sweden, waddankasna ma ahan waddan islam, sharciga gacantaada ayaad ku qaadeneysaa, dukaankii aad rabtid ayaa galeysaa oo waxaad rabtid baad ka soo qaadeneysaa”.

Amineh Kakabaveh oo idaacaddan Sweden laanta af-soomaaliga shalay la xiriirtay si ay wax uga weydiiso filmka ay boggeda FB soo dhigtay ka dibna  ka saartay ayaa guud ahaanba inkirtay in iyada ay filmkaas boggeda soo gelisay, iyadoo tiri qof kale oo saxiibkey ah ayaa boggeyga soo geliyey:

Ayey tiri Amineh kakabaveh oo shalay filmkaan ay soo gelisay facebook-geeda aan wax ka weydiiyey. Waan oggahay ayey raacisay in ay jiraan kuwo igu eedeynaya filmkaan annigu in aan soo geliyey laakiin anniga ma soo gelin. ”waa Film qiyaano ah, saaxiibadeyna facebook-geyga waan u sheegay in ay dacweeyaan filmkan maadaama uu yahay film ka dhan ah qoomiyad”.

Markii Amineh Kakabaveh ka saartay filmkaan facebook-geeda waxay soo dhigtay qoraal ay ku leedahay ”waan ka saaray filmkii, laakiin micnaheedu ma ahan in filmka waxaa ku jira ay qaldan yahiin. Hanbalyo Sweden in dhawaan xaafado badan laga hirgeliyey dowlad islaamiye oo khalifaad dhawaan ku dhawaaqi doonta".

Markan weydiiyey waxay ula jeedo qoralka denbe ee ay soo dhigtay barteeda faceebook kadib markii ay filmka ka saartay, waxay ku dooday in ereyga ay meesha ku soo qortay uu ka qaldamay.

 Fashilaada wargeyska Expo

Laakiin wargeyska Expo ayaa maanta fashilay in Amineh Kakabaveh iyada laftirkeeda uu ahaa qofka filmka propaganada cunsuriyiinta soo gelisay facebook-geeda. Markii wargeyska u soo bandhigay in ay sawir ka hayaan facebook-geeda oo caddeynaya in iyadu ay soo gelisay filmkaan boggeeda waxay hadana ku dooday:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".