Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Kristdemoqoraati-ga oo soo jeediyey siyaadinta tirada booliiska

La daabacay onsdag 27 april 2016 kl 13.45
Krisdemokraterka oo miisaaniyooda soo bandhigey
(0:52 min)
Sherutni ande KD Ebba Bush Thor
Hogaamiyaha xisbiga KD Ebba Bush Thor

Xisbiga Kristdemokaraati-ga ayaa maanta soo bandhigey miisaaniyaddii uu dalkaan Iswiidhan ku maamuli lahaa haddii xisbigaasi xukunka dalkaan heyn lahaa.

Xisbiga ayaa sheegey in dalkaan Iswiidhan uu u baahan yahay in ciidamada booliiska lagu siyaadiyo 2100 askari ilaa sanadka 2020-ka.

Xisbiga ayaa intaas ku darey in sanadka soo socda ciidamada booliiska lagu xoojiyo 500 oo shaqaale madaniya ah.

Hogaamiyaha xisbiga Kristdemoqoraati-ga Ebba Bush Thor ayaa sheegtey in ciidamada booliiska dalkaan ay soo foodsaareen arrimo culus.

  • Booliisku waa in ay helaan dhaqaale ku filan si ay danbiyada u baaraan ugana hortagaan , ayey tiri hogaamiyaha xisbiga Kristdemoqoraati-gu Ebba Bush Thor

Xisbiga ayaa raba in ciidamada booliiska dalkaan lagu maalgaliyo lacag dhan 4 milyaarder oo karoon si ay uga soo dhalaalaan hawlaha culus oo horyaal.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".