Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Safaaradda Mareykanka oo muwaadiniinteeda digniin u dirtey

La daabacay onsdag 27 april 2016 kl 15.30
Safaarada Mareykanka oo fariin u dirtey muwaadiniinteeda
(0:54 min)
Safaarada Mareykanka
Sawirkii : Fredrik Persson/Scanpix

Safaaradda dalka Mareykanku ku leeyahay magaalada Stockholm ayaa fariin u qortey dadka mareykanka ah ee ku nool dalkaan Iswiidhan

taas oo ay ugu sheegtey in safaaraddu heshey cadeymo muujinaya in booliiska dalkaan Iswiidhan baarayo suuragalka ah in dalkaan Iswiidhan ka dhici karaan falal argagixisanimo.

Safaaradda ayaa muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku nool Iswiidhan u sheegtey in ay taxadaraan.

Marc Cameron waa afhayeenka safaaradda ay mareykanku ku leeyihiin dalkaan Iswiidhan:

  • Wada shaqeyn fiican ayaa naga dhaxeysa hey’adaha Iswiidhishka ah ee la dagaalama falal danbiyeedka, waana caadi in aan weydiino hadba wixii jira , ayuu yiri Marc Cameron.

 Shaley ayey aheyd markii ciidamada sirdoonka Iswiidhan ee Säpo ay heleen warar ay sheegeen in ay baaritaano ku hayaan.

Warfaafinta dalkaan ayaa qortey in arrinkaani raad la leeyahay tuhun dhanka argagixisnimada la xiriira.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".