Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i ett batterilager med kraftig rökutveckling som följd. Räddningsledare uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Malmöhus.
(Publicerat idag kl 12.55)
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Kakabaveh oo qatar ugu jirta in xisbiga laga saaro

La daabacay onsdag 27 april 2016 kl 16.31
Etzler: ma ahan wax la aqbali karo
(3:10 min)
Xildhibanad Amineh Kakabaveh
Xildhibanad Amineh Kakabaveh oo ah xildhibanad xisbiga Vänsterpartiet u fadhiya baarlamaanka Sweden sawir: HENRIK MONTGOMERY / TT

Xildhibaanad Amineh Kakabaveh oo baarlamaanka Sweden u fadhida xisbiga Vänsterpartiet ayaa qatar ugu jirta in laga saaro xisbiga Vänsterpartiet.

"Haddii xisbiga layga saaro kamo degayo kursiga xildhibaanimada" ayey Amineh Kakabaveh galabtay ku qortay barteeda Facebook, iyado weliba ku eedeysay xoghayaha xisbiga in uu iyada ku beenabuurtay.

Xoghaya xisbiga Vänsterpartiet Aron Etzler oo laanta af-soomaaliga maanta wareysatay ayaa sheegay in Amineh Kakabaveh ay barteeda Facebook ku baahisay film dacaayad ah oo kooxo cunsuriyiin ah ka sameeyeen soomaalida, kadibna inta filmka ka saartay barteeda ay hadana qoraal ay ku difaacdey.

Waxay aheyd habeynimadii axadda markii ay Amineh Kakabaveh barteeda Facebook soo dhigtay film ay leeyahiin kooxda cunsuriyiinta xagjirka ah ee Nordiska Ungdom, filmkas oo af-soomaali ku hadlayey ayey saareen turjummad Iswiidhish ah oo qalad ah isla-markaan ay ka buuxeen dacaayad iyo aflagaado ka dhan ah soomaalida.

 Amineh Kakakabveh ayaa markii hore gebi ahaanba inkirtay in ay video noocas barteeda soo dhigtay balse markii la tusay sawiro laga qaadey waxii ay soo dhigtay barteeda inta aysa tuureen ayey hadana qiratay.

Aron Etzler ayaa sheegay in hab-dhaqanka xildhibanadaan ay dhaawaceyso kalsoonida iyada lagu qabi karo iyo weliba guud ahaan midda xisbiga, sidaas daraadeedna uu xisbiga si dhab ah ugala hadli doono xildhibaanada waxay ku kacday.

Xoghaya xisbiga ayaa ka gaabsaday in uu sheego middas ka micno tahay in Kakabaveh xisbiga laga saarayo in kale. Laakiin dhowr daqiiqo kadib markii sidaas noo sheegay Amineh kakabaveh ayaa barteeda Facebook soo dhigtay in xoghaya xisbiga ku beenabuurtay markuu yeri wey difaacdey waxa ku jiray film-ka lagu heysto Kakabaveh.

Soomaali badan ayaa xisbiga la soo xiriirtay ayuu yeri Aron Etzler xoghaya Vänsterpartiet, waxaana u sheegnay in arrintan u aragno mid aan la dhayalsan karin oo aan la aqbali karin. Qof Vänstwerpartiet ka mid ma ahan in uu baahiyo barobagandada cunsuriyiinta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".