Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soogalootiga oo khatar ugu jira in cudurka sonkorowgu uu ku dhaco

La daabacay torsdag 28 april 2016 kl 10.36
Dr Ali Hiirad: Qaabad nolaleedka qof baa sabab u noqon karta Diabetes 2
(6:11 min)
En diabetessjuk kvinna tar insulinspruta i magen. Foto: Reed Saxon/TT.
Cudurka sonkorowga. Sawirkii : Reed Saxon/TT.

Soogalootiga ku nool xaafadaha ay fuquradu ku badan yihiin ee dalkaan Iswiidhan ayaa khatar ugu jira in uu ku dhaco cudurka sonkorowga ee nooca loo yaqaano typ2 ,sida uu qorey wargeyska Dagens Nyheter.

Warbixintaan ayaa waxaa soo saarey cilmi baarayaal mareykan ah oo iyagu dabagal ku sameeyey 60 000 qof oo soo galooti ah , da’dooduna u dhaxeyso 25 jir ilaa iyo 50 jir , kuwaas oo dalkaan Iswiidhan soo galey sanooyinkii u dhexeeyey 1987-dii ilaa iyo 1991-dii.

Warbixintaan ayaa lagu soo daabacey wargeys arrimaha caafimaadka wax ka qora laguna magacaabo Lancet, kaas oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Britain.

Cilmi baarayaasha ayaa sabab uga dhigey in cudurkaasi ku dhaco dadkaas soogalootiga ah maadaama dakhligooda dhaqaale uu yar yahay,walwalka oo dadkaas ku badan, shaqa la’aan baahsan oo dadkaas heysa iyo waliba xaafadahaas ay dagan yihiin oo ah meelo ay falalka dambiyadu ku badan yihiin.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".