Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Boqorka: Xilka i saaran bey ka mid aheyd wixii aan arrinkaas ka qabtey

La daabacay torsdag 28 april 2016 kl 11.21
Boqorka Iswiidhan iyo doorkiisa
(1:02 min)
Kuningas Kaarle XVI Kustaa.
Boqor Carl Gustav-ka 16-naad. sawir: Bengt Nyman/Flickr/CC 2.0.

Boqorka dalkaan Iswiidhan Carl Gustaf-ka 16-naad ayaa ka faaloodey doorkii uu ku lahaa in la xaliyo khilaaf dhanka dublamaasiyadda ah ee sanadkii hore soo kala dhexgaley dalkaan Iswiidhan iyo boqortooyada dalka Sacuudiga.

Sucuudiga ayaa xiligaas safiirkooda dalkaan Iswiidhan u fadhiyo ka qaatey sidoo kalana  hor istaagey fiisooyin in ay siiyaan ganacsato dalkaan Iswiidhan u dhalatey laakiin xiriirka labada dal ayaa hagaagey ka dib markii boqorka iyo dawladda dalkaan Iswiidhan ay laba waraaqood oo ay qoreen u direen dalka Sacuudi Careebiya.

  • Waa arrin wanaagsan oo xiisa leh, waxaana dareemayaa in ay mas’uuliyadeyda tahay in aan arrinkaas qeyb ka geysto , in lagu guuleystaana waxay aheyd mid xiisa leh , aad beyna u fiican tahay in xiriirka ka dhexeeya madaxda dalalku uu yahay mid fiican, ayuu yiri boqorka dalkaan Iswiidhan Carl Gustaf-ka 16-naad.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".