Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Center-ka oo soo jeediyey in la dhimo lacagaha A-kassa-da

La daabacay torsdag 28 april 2016 kl 15.02
Xisbiga Center-ka iyo A-kassada
(1:05 min)
Centerpartiets partiledare Annie Lööf under en tidigare presskonferens.
Hogaamiyaha xisbiga Centerparti-ga Annie Lööf. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Xisbiga Center-ka oo maanta soo bandhigey miisaaniyaddii uu dalkaan ku xukumi lahaa haddii uu xukunka heyn lahaa ayaa soo jeediyey in la dhimo lacagaha la siiyo dadka A-kasada qaata, tilaabadaas oo dalkaan u baajin karta lacag dhan 2 milyaarder oo karoon.

Xisbiga ayaa sidoo kale soo jeediyey in lacagahaas laga beekhaamiyey dadka A-kaasada qaata lagu abuuri karo 11 000 oo shaqooyin cusub ah.

Fikirkaan xisbiga Center-ku soo jeediyey ayaa ah in lacagaha A-kaasada laga soo dhimo 910 karoon malintii lana gaarsiiyo 800 oo karoon maalintii.

Xisbigaan Center-ka ayaa sidoo kale raba in ciidamada booliiska dalkaan Iswiidhan lagu siyaadiyo 2000 oo askari .

Xisbiga ayaa soo jeediyey in hababka  kala duwan  ee lagu taageero qofkii ay shirkaduhu shaqaaleysiinayaan,la isku daro oo hal hab loo wada raaco.

Annie Lööf  waa hogaamiyaha xisbiga Centerparti-ga:

  • Waxaan rabnaa in A-kaasadu ay shaqada ku wajahnaato, taas oo horseeda in shaqooyin badan dalkaan laga helo , ayey tiri Annie Lööf.

Xisbiga ayaa sidoo kale soo jeediyey in caruuraha kali socodka ah lala dajiyo qoysas si kharashka ku baxa loo yareeyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".