Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Bidixda (V) oo iska dheereeyay faafinta xagjirnimo

La daabacay torsdag 28 april 2016 kl 16.22
Amineh Kakabaveh, Vänsterpartiet.Sawirle: Riksdagen.
Amineh Kakabaveh, Vänsterpartiet.Sawirle: Riksdagen.

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanad xisbiga Vänsterpartiet u fadhida baarlamaanka Sweden ayaa dhamaadkii todobaadkii hore waxay boggeeda Facebook soo dhigtay film dacaayad ah oo ay kooxo xagjiriin midigta fog ah ka sameeyeen soomaalida. Waana fal aad iyo aad dhaawac ugu geeystay kalsoonidii xil-dhibaanadda iyo xisbiga Bidixda-ba.

– waxaannu u aragnaa mid aan wanaagsanayn, mana ahan mid loo dul-qaadan karo in shakhsi matalaya xisbiga Bidixdu) uu baahiyo farriimmo salka ku haya xag-jir-nimo, sida uu sheegay xoghayaha xisbiga Bidixda (Vänster Partiet) Aron Etzler.

Aron Etzler ayaa kulan adag shalay arrinkaa kala yeeshay xil-dhibaannad Amineh Kakabaveh, waana midda dhalisay maanta ina raali-gelintaasi ay soo saarto, middaasina oo dhaawacday, kana careeysiisey dadyoow badan.

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".