Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven oo laga askateeyay gudiga dastuurka

La daabacay fredag 29 april 2016 kl 10.47
Ashkatooyinka laga soo gudbiyay Löfven
(1:35 min)
Statsminister Stefan Löfven. Foto: Christine Olsson/TT.
Ra´iisal wassaare Stefan Löfven. Sawirle: Christine Olsson/TT.

Ra´iisal wasaare Stefan Löfven(S) ayaa maanta la soo taagay gudiga dastuurka, sababta oo ah in ashkatooyiin la xidhiidha siyaasada socdaalka, in u Åsa Romson ku magacaabay ra´iisal wassaare ku xigeen iyada oo aan taas xaq u laheeyn iyo ashkato dhaleecaynaysa Löfven iyo sida aanu wax uga qabanin siyaasada socdaalka ee EU, laga soo gudbiyay.

Mid ka mid ah ashkatooyinka loo soo gudbiyay Ra´iisaal wasaaraha ayaa dhaleecaynaysa si ay dawladda Iswiidhan dayrtii ina soo dhaaftay, markii ay qaxootiga faraha badani waddanka soo gaadheen, islamarkiiba la xal degdeg ah u keeniin, Jessica Polfjärd oo xisbiga mucaaradka ah ee moderaterna ka tirsan, ahna shakhsiga ka dambeeysay ashkatadan ayaa sheegtay:

-Waa in la baadho sababta ay dawladda waddanka hogaamiisa uga soo baxi waayeen shaqadooda, waa arrin khatar ah in ay xaaladan adag wax ka qabanin, tan ayaa ku qoran distoorka habka dawladda, ayey ku qortay askhkatada ay u gudbisay gudiga dastuurka.

Ashkatada kale ayaa ka hadlaysa in u Löfven hogaamiyaha xisbiga Miljöpartiet, Åsa Romson, ku magacaabay ra´iisal wasaare ku xigeenka waddanka iyada oo aan taas xaq u laheeyn. Sharciga ayaa sheegaya in ra´iisal wasaare ku xigeen lugu magacaabi karo qofka waayo aragnimada ugu dheer u leh siyaasada keliya, tan ayaa ka dhigan in ay wasiirada arrimaha dibada, Margot Wallström, booskan xaq u leedahay.

Ugu dambeeyn ayaa Löfven laga gudbiyay askhato xidhiidh la leh sida uu wax uga qabaanin siyaasada socdaalka ee wadamada EU.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".