Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sannad guuradii 70 :aad ee boqorka Iswiidhan

La daabacay fredag 29 april 2016 kl 12.10
Kuningas Kaarle XVI Kustaa.
Kuningas Kaarle XVI Kustaa. sawir: Bengt Nyman/Flickr/CC 2.0.

Birri, sabtida, ayaa loo dabaal degi doonaa sannad guuradii 70: aad oo ka soo wareegtay kolkii uu boqorka dalkan Carl Gustav kii 16:aad uu la wareegay kursiga dhaxaltooyada boqortooyada.

Taageerada ay ajaanibtu u hayaan boqorka ayaa waagi hore ahaan jirtay mid hooseeysa, hasayeeshe ayey dhowr qaxootii oo Suuriya ka yimid, jaceeyl gaar ah u hayaan boqorka Iswiidhan.

Cabdi Raxmaan oo dhowaan waddankiisi ka soo tagay ayaa ka mid ah kuwan.

-Boqorku waa qof wanaagsan. Aymaan oo isna Suuriya ka soo qaxay ayaa ugu jawaabay:

-Sax, qof ka fiican ma jiro.

Cabdi Raxmaan iyo Aymaan ayaa waddanka ku cusub, waxaa lugu meeleeyay xeero qaxooti ku taala magaalada Stockholm. Wexey rabaan in ay fikradooda ka dhiibtaan boqorka Iswiidhan iyo sababta ay u jecelyihiin.

-Boqorka Iswiidhan maaha sida boqorada kale, waa qof aadaminimo leh, dadku ka mid yahay, sida aniga iyo adiga, ayuu sheegay Cabdi Raxmaan.

 


 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".