Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven oo shalaytoo ka hadlay bannaanbixii kowda maajo

La daabacay måndag 2 maj 2016 kl 11.02

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven oo shalay ka hadlay magaalada Göteborg oo lagu xusayay maalinta caalamiga ee shaqaalaha adduunka ayaa khudbaddiisii wuxuu xoogga ku saaray dhismaha iyo hor-u-marinta bulshada iyo kaabiyeyaasha dalka, gaar ahaan sidii loo dhimi lahaa shaqa la'aanta.

Madaxa dawladda Stefan Löfven ayaa ku caddeeyay khudbaddiisii inay dalka ka aloo-san tahay marxalad ay bulshadu ku qeeybsantay intii ay dalka awooddiisa gacanta ku hayeen garabka midig.
Stefan Löfven ayaa khudbaddiisa aan marnaba kaga hadal caqabadda dawladdiisa la soo gudoonaatay, middaasina oo salka ku haysa doodda iyo buuqa ka aloosan xisbiga Doogga ee Miljöpartiet oo ey xulufada ku yihiin maamulka dalka.

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".