Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waxaan diideeynay innaan si cadiifadeysan uga hadalno

La daabacay måndag 2 maj 2016 kl 19.10
Cabdiqani: hadan qornay qoral aan ku dalbaneyno in xisbiga laga saaro
(6:51 min)
Abdiqani. Foto: Kenadid Mohamed
1 av 2
Cabdiqani. Sawirle: Kenadid Maxamed
Doorashadii Habane Hassan ee loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka mideeya jaaliyadaha soomaaliyeed ee Sweden. sawir: Kenadid Mohamed
2 av 2
Doorashadii Habane Hassan ee loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka mideeya jaaliyadaha soomaaliyeed ee Sweden. sawir: Kenadid Mohamed

Kadib fadeexaddii Amineh Kakabaveh uu ururka jaaliyadda ururrada soomaaliyeed jawaab bayaan ah ka bixiyay kadib eedeeymo ey soomaalida reer Sweden u soo jeediyeen.

Ururka mideeya jaaliyaddaha soomaaliyeed ee Sweden Somaliska Riksförbundet ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeymo baraha bulshada ee Social Media looga jeediyey, eedeymahas oo ah in ururka uu dayacay matalaada bulshada soomaaliyeed ee Sweden. Dhaleeceyntan waxay timid kadib markii todobaadkii hore ururo badan iyo shaqsiyaad soomaaliyeed ka qeyliyeen dacayaad cunsuriyad ah oo ka dhan ah soomaalida oo ay xildhibaanad ka tirsan Västerpartiet ku baahisay barteeda facebook.

Dad badan ayaa aaladaha bulshada isku weydiinayey aaway ururka jaaliyadda soomaaliyeed ee sheegta in uu matalo bulshada soomaaliyeed ee Sweden, maxay arrinkan uga hadli waayeen oo uga facelin waayeen?

Wareysi xoghaya Somaliska Riksförbundet

Cabdiqani Jaamac oo ah xoghayaha ururka jaaliyadda soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay sharaxay sababta ururka uga gaabsaday in uu furan uga hadlo arrintan ay bulshada soomaaliyeed ee Sweden todbaadkii hore aad uga gilgilsheen.

- Markii arrinkan soo baxday waxaan isku afgaranay in aan la xiriirno xisbiga ay arrintan quseyso. Laakiin xisbiga ayaa nagala daahay jawaabta, taas baa keentay in warkeeana la waaye ee ma ahayn in aanan arrintan ka warqabin ama aanan qacanta ku heynin wax ka qabadkeeda, ayuu yeri Cabdiqani jaamac xooghaya ururka Somaliska Riksförbundet.

Maxaa rabteen in aad kalo hadashiin xisbiga, jawaabta se laydiin kalo daahay maxay aheyd?

- Dabcan in qoftan xisbiga tallaabo cad oo degdeg ah ka qaadaan. Ugu yaraan dalabkayaga waxuu ahaa welina uu yahay qofka noocaan oo kale ah xisbiga hadduusan la qabin ay xisbiga ka saaraan. Taasbaa dalbaneynay, sababtoo ah wax la aqbali karo ma ahan.

Laakiin mar haddii waxay ku kacday aysan aheyn wax la aqbali karin maxaa si furan dalabkiina ugu soo bandhigi weydeen?

- Howshaas laftirkeeda waan wadnaa, annaga markii hore waxay nagula qumanaatay in aan hoggaanka xisbiga la xiriirno oo arrintan kalo hadalno. Imminka waxaanu heynaa qoraal dood ah oo mardhow la baahin doonoo oo aan ku dalbaneyno in xisbigaba laga saaro.

Hada tobaadk ayaa ka soo wereegtay markii ay arrintan soo shaacbaxday, hadaad dib u fikirtid ma isleedahay istaraajidii aa qaadateen waa laga haboonaa?

- Dabcan wey dhaci kartaa, wey aheyd, laakiin ha u maleynina in aan arrintan ka hadlin oo aanan fikir iska weydaarsanin. Labada wado wey noo furnaayeen. In aan Miidiyaha ka weerarnana wey noo furneyd, inaan bal marka hore iyaga la xiriirnana wey noo furneyd. Tan dembe ayaa isla qaadanay.


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".