Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wadaad dalka lagu casumey oo dib looga laabtey

La daabacay måndag 2 maj 2016 kl 19.53
Xayeeysiin ahaan un baannu u casunney
(13 min)
En av Hamas 88 moskeer som jämnades med marken och förstördes, det enda som står kvar av den är imam platsen.
En av Hamas 88 moskeer som jämnades med marken och förstördes, det enda som står kvar av den är imam platsen.

Toddobaadka foodda innagu soo haya oo uu dalka Sweden iman lahaa wadaad ka fikir duwan fikirrada dalkan laga aamin-san yahay ayaa baaqday kadib iyada oo la ogaaday in mabaadiida uu aamin-san yahay aad uga fog yihiin waaqiciga dalkan ka jira, isla-markaana goobilii loo qabtey inuu kulankaasi ka dhaco dib loogala laabtay.

Ninkan oo lagu magacaabo Saciid Raage ayaa dhowr jeer horay dalkan u yimid, isla-markaana siyaabo kala duwan dhaleeceeyn loogu jeediyey iyo inuu xag-jir-nimada taageer-san yahay.

Kulanka ugu horreeyey oo uu Saciid Raage ku qaban lahaa magaalada Stockholm oo ka dhici lahaa xarun ku taala iskuulka Rinkeby, dhacana goob ey soomaalida reer Stockholm ku badan yihiin ayaa dib dhowaantan ula laabatay xaruntii uu maamulka iskuulkaasi ballan qaaday inuu ka kireeyo, sida ay caddeeysay maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee Rinkeby Carina Rennermalm.

Ururka Saciid Raage ku casumay kulankan oo lagu magacaabo Röda Havet (ururka badda ee Stockholm) oo aannu gudoomiyiha iyo khasnajiga ururkaa wareeysi la yeelanney ayaannu wax ka weeydiinney sababta uu ururku u doortay in wadaadkan ey casumaan. Iyada oo sidoo kale ay uu qorsha ugu jiray inuu booqasho middaa la mid ah uu ku tago magaalooyin ey ka mid yihiin Umeå oo dhacda waqooyiga dalkan Sweden, halkaasina oo uu ku casumay ururka soomaaliyeed ee carrigaa ka dhisan. Iyadoona uu ururkaasi sidoo kale dib ula laabtay casummaadii.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".