Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

EU oo visa-ha ka dhaaftay muwaadiniinta Turkiga

La daabacay onsdag 4 maj 2016 kl 11.29
Wasiirka socdaalka:viso ka dhaafid ma dhacayso hadaan sharuudaha la buuxinin
(2:03 min)
Justitieminister Morgan Johansson och Turkiets flagga
Justitieminister Morgan Johansson sawir: TT

Kommishinka EU ayaa la filayaa maanta in uu ku taliyo muwaadiniinta Turkiga laga bilaabo xaagaga ay ku soo galaan EU visa la’aan.

 Dowladda Turkiga ayaa horey arrinkan sharuud uga dhigtay si ay u qaabisho qaxootiga laga soo celiyo dalka Giriiga.  

Laakiin EU ayaa iyana ku xirtay Turkiga in buuxiyo sharuudo ka kooban 72 si loogu ogaalaado muwaadiniinta Turkiga visa la’aan in ay ku soo galaan EU, sharuudahas dhamaantood weli Turkiga buuxinin.

– Mowqifkeena waxuu yahay in Turkiga soo buuxiyo dhamaan sahruudahan, ayuu yeri wasiirka socdaalka ee Sweden Morgon Johansson.

– Waa arrinkan keenay xaalad cakiran oo ka taagneyd Turkiga iyo Giiriga, sharuudahana waxay qayb ka ahaayeen ballanqaadyadii horey loo dhigta si arrinkan loo tijaabiyo. Kommishinkana ballanqaadii ayuu buuxinayaa, laakiin ugu dembeyn arrinkan waa mid u yaala waddamada xubnaha ka ah EU, ayuu yeri Morgan Johansson.

Marka fartiin nooocee ah ayey baxineysaa in lagu taliyo xayiraada visa in laga qaado Turkiga iyadoon la buuxinin 72 sharuudood ee lagu xiray?

– Dhankeena waxaan ka duuleynaa, haddi sahruudaha la buuxinin markas ma la hirgelinayo visa ka dhaafidda. Dhanka kale se waxaa jira qatar ah in ay dib u soo laabato qaxootigii faraha badnaa ee badaha ku la’anayey. Middas ayaa miishaanka dhankiisa kale ku jirta, waxanaa jira dano is diidan. Waxaa jiri karo kale xubno ah ar EU oo aragtidooda si kale tahay, laakiin ugu denmbeyna arrinnkan waa laga wado hadli doonaa, ayuu yeri wasiirka socdaalka Morgan Johansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".