Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Banaanbax ka dhan ah Amineh Kakabaveh

La daabacay onsdag 4 maj 2016 kl 15.30
Maxaa Örebro ka dhici doona sabtida
(7:45 min)
Abdikhadar Omar i Föreningen I SIN SAMTID
Cabdikadir Cusman oo ka socda ururka KISS oo ah ururka soo qaban qaabiyey banaanbaxa.

Sabtida fooda innagu soo haysa ayey ururka Kulturföreningen i sin samtid ee KISS loo soo gaabiyo iyo shabakada ay soomaalida facebook ku midoobtay Somaliska röster banaanbax ku saabsan xildhibaanada Vänsterpartiet ee Amineh Kakabaveh.

Kakabaaveh oo todobaadkii hore Facebook soo dhigtay film ay leeyahiin kooxda cunsuriyiinta ah ee Nordisk Ungdom loo soo gaabiyo, filimkaas oo af-soomaali ku hadlayey ayey saareen turjummad Iswiidhish ah oo qalad ah Filimkan oo ay ka buuxeen dacaayad iyo aflagaado ka dhan ah soomaalida.

Arrinkan ayaa dood balaadhan ka dhalisay soomaalida Iswiidhan, khaasatan shabakada facebook ee Somaliska röster, halkey dhowr qofi doonayaan in ay xildhibanadani shaqadeeda iska casisho. Hoos ka dhageeyso wareeysi aanu la yeelanay Cadikhadar Cumar, ururka KISS iyo Samiir Ducaale, Somaliska röster oo soo qabaanqaabiyay banaanbaxa suuqa Olof Palme ee magaalada Örebro ka dhici doona sabtida. Sabtida oo ah maalinta u xisbiga Vänsterpartiet kongresskooda ku qabaan doonan isla magaaladan. Vänsterpartiet ayaa maanta go´aamisay in Kakabaveh wakhti bil gaadhaya siyaasada laga saaro.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".