Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mona Sahlin oo hawsheedii iska casishay

La daabacay fredag 6 maj 2016 kl 10.37
Kashifaada Mona Sahlin
(1:55 min)
Mona Sahlin
Mona Sahlin är chef på myndigheten som arbetar mot våldsam extremism. sawir: Henrik Montgomery/TT

Isuduwaha qaranka ee la dagaalanka argagaxisada, Mona Sahlin, ayaa hawshii ay u haysay dawladda iska casishay ka dib markuu wargeeyska Expressen kashifay in ay Sahlin warqad been ah u qortay shaqaale iyada u shaqeeya si uu amaah u helo.

Warqadan ayey Sahlin ku qortay in u wardiyaha iyada u shaqeeya dakhli gaadhaya 120 000 oo koroon bishi qaato, halku dakhligiisa rasmiga ahi yahay 43.000 koroon. Waa sida u wargeeyska Expressen bogeeda ku soo qoreen. Sababta ay Mona Sahlin warqada beenta ah u qortay ayaa aheeyd in shaqaalahan loo ogolaado amaah uu u doonayay guri lacagtiiso gaadhayso 10 milyan oo koroon.

Dhanka kale ayey Mona Sahlin  wareeysii ay la qaadatay Expressen ka sheegtay in ay lacag gaadhaysa 80.000 bishi jeebkeeda ka bixin jirtay si ay u siiso wardiyahaan, isaga oo islamarkaas mushaharkiisi caadiga ahaa, 43.000 koroon, ka qaadanayay dawladda.

Hasayeeshe baadhitaanka Expressen ayaa sheegaya in dakhliga Sahlin laga siiyo dawladda yahay 80.000 iyo in aaney macquul ahin in ay lacagtan siiso ninka wardiyaha u ahaa.

Islamarkaas ayuu wargeeyska Expressen dhowaan cadeeyay in ay heeyadaha deymaha khasabka ku soo celisa, kronofogden, lacag ku leedahay Mona Sahlin.

Wasiirada dimuqraadiyada ee Alice Bah Kuhnke ayaa xaqijisay in ay Sahlin hawshi ay u haysay dawladda iska casishay, islamarkaas na sheegtay in ay Sahlin shaqo wanaagsan u qabatay dawladda, halkey dhowr istiraatajiyo oo ku saabsan sii loo joojin lahaa la dagaalanka argagaxisada soo saartay.

Dhacdodan ayaan ahin khaladkii ugu horeeyay ee Mona Sahlin gasho. Bishii oktoobar 1995 ayey Sahlin oo waagaas aheeyd ra´iisal wasaare ku xigeen, ku soo adeegatay kaadhka lacagta ee dawladda.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".