Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Daawo cusub oo looga hortagayo cudurka HIV

La daabacay måndag 9 maj 2016 kl 09.57
Daawada ka hortagga HIV
(1:06 min)
Patienten hiv-testas.
Ull-Karin Hallgren hiv-testar patient på Venhälsan i Stockholm. sawir: Björn Larsson Ask/SvD/TT

Dalkaan Iswiidhan ayaa deyrta soo socota waxaa laga bilaabi doonaa isticmaalka daawo cusub oo dadka ka difaaci karta cudurka HIV.

Daawadaan oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano Prep ayaa ah daawo ilaa sanadii hore laga isticmaalayey dunida badankeeda laakiin hadda ayey soo gaartey dalkaan Iswiidhan.

Daawadaan oo kiniini ah ayaa qofku qaadanayaa maalin walba ama 36 saacadood ka hor qofku inta uusan galmo sameyn taas oo aad u dhimeysa khatarta ah in qofku qaado cudurka HIV, sida ay muujinayaan baaritaano dhankaas laga sameeyey.

Wadamada Yurub ayaa la filayaa xilliga deyrta ee soo socota in ay ogolaadaan isticmaalka daawadaas taas oo dalkaan Iswiidhana isla xilligaas laga dhaqangalin doono isticmaalka daawadaas.

Daawadaan ayaa la filayaa in ay qofka isticmaalaya ugu kici doonto qiyaastii lacag dhan 6 000 oo karoon bishiiba.

Teymur Noori oo ka hawlgala machadka ka hortaga cudurada faafa ayaa sheegey in qiimaha daawadaan oo sareeysa awgeed ay ku adkaan doonto dadka loogu talagaley isticmaalkeeda:

-Haddii daawadaan la rabo in si baahsan loo dhaqangaliyo waa in qiimaheeda hoos loo dhigaa, ayuu yiri Teymur Noori.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".