Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad tuugsada oo mashruuc loo sameeyey tuugsi ka doorbidey

La daabacay måndag 9 maj 2016 kl 11.59
Mashruuca Hjärta till hjärta
(1:33 min)
Rickard Klerfors hjärta till hjärta Linköping
Rickard Klerfors oo ka hawlgala ururka Hjärta till Hjärta. Sawirkii: Veli Brijani, Radio Romano

Dad tuugsan jirey oo badan kuwaas horey ugu biirey hey’ad taageerta dadka tuugsada ayaa barnaamijkaas ka xiriir furtey waxayna dib ugu noqdeen tuugsigii,

sidaasna waxaa lagu sheegey barnaamij ka baxa idaacadda Iswiidhan kaas oo lagu magacaabo Kaliibar.Mashruucaan oo lagu magacaabo Hjärta till Hjärta ayaa ujeedadiisu aheyd in shaqooyin sida harqaanimada iwm uu ku hawlgaliyo dadka dalalka Yurub ka tuugsada oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Roomaaniya si ay uga maarmaan tuugsiga.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löven ayaa hadda ka hor cabirey taageerada uu mashruucaas u hayo maadaama uu caawinayo dadka dariiqyada ka tuugsada si tuugsigaas looga fogeeyo laakiin qaar ka mid ah dad hawshaas lagu meeleeyey oo ay idaacadda iswiidhan la xiriirtey ayaa sheegey in hawshaasi aheyd mid culus isla markaasna ay mushaaradeedu yaraayeen.

Mid ka mid ah dadka hawshaas ka qeyb qaatey oo lagu magacaabo Greerus ayaa sheegey in mushaarkiisu saacaddii ahaa 10 karoon.

Qaar ka mid ah dadkii mashruucaas ka qeybqaadanayey ayaa dib ugu soo laabtey dalkaan Iswiidhan si ay dariiqyada uga tuugsadaan.

Anders Holmefur oo isagu ka tirsan ururka dadkaan shaqaaleysiiyey ayaa sheegey in ururku uusan waxba ka badalin balanqaadkiisii, wuxuuna sheegey in uu ka xun yahay in qaar dadkaas ka mid ahi ay hawshaas ka tagaan dibna ugu noqdaan in ay dariiqyada ka tuugsadaan.

  • Mushaarada ay dadkaasi tuuladaas ku qaadanayeen wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan ayuu yiri Anders Holmefur.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".