Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lövin oo noqotay hogaamiayaha cususb ee MP

La daabacay måndag 9 maj 2016 kl 15.36
Afhayeenka cusub ee MP
(0:58 min)
Isabella Lövin
Foto: TT

Xisbiga Miljöparti-ga ayaa maanta soo jeediyey in afhayeen cusub xisbiga loogu magacaabo Isabella Lövin taas oo badali doonta afhayeenkii hore ee xisbigaas Åsa Romson.

Isabella Lövin ayaa imminka ah wasiirka deeqaha caalamiga ah ee dalkaan Iswiidhan.

Gustav Fridolin ayaa xisbigu soo jeediyey in uu sii ahaado afhayeenka labaad ee xisbigaas.

Isbella Lövin ayaa markii jagadaas loo sharaxay waxay tiri:

  • Aad baa la ii sharfey ,waana ku faraxsanahay guddiga doorashadu in uu soo jeediyo in la ii magacaabo afhayeenka xisbiga Miljöparti-ga, ayey tiri Isbelaa Lövin.

Kalfadhiga xisbigaas Miljöparti-ga oo bilaaban doona maalinka jimcaha  ee soo socda ayaa looga fadhiyaa in uu soojeedintaas guddiga doorashooyinka aqbalo iyo inkale.

Xisbigaas Miljöparti-ga ayaa badanaa leh laba afhayeen oo mid nin yahay midna dumar yahay meesha xisbiyada kale ee dalkaani ay leeyihiin hal hogaamiye oo kaliya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".