Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

V: In xanibaadda laga qaado dokumentiyada soomaalida

La daabacay onsdag 11 maj 2016 kl 12.16
Xisbiga V: oo damac-san inuu soomaalida u hiiliyo
(4:38 min)
Ida Legnemark (V)
1 av 2
Ida Legnemark (V) sawir: Sara Lundin/SR
Wakiilladii xisbiga Bidixda ee shir-weynuhu uga qabsoomey dhowaantan Örebro.
2 av 2
Wakiilladii xisbiga Bidixda ee shir-weynuhu uga qabsoomey dhowaantan Örebro. sawir: David Örnberg, Vänsterpartiet.

Xisbiga Bidixda ee Väsnter Partiet ayaa axaddii ina dhaaftay aqlabiyad ugu coddeeyay shir-weynihii uga socday magaalada Örebro in xannibaadda laga qaado aqoonsi-darrada dokumentiyada laga soo saaro Soomaaliya.

Barnaamij ammuurtaa ku saabsan kala soco bogga idaacadda.

Shir-weyne saddex maalmood uga socday wakiillada xisbiga magaalada Örebro oo axaddii ina dhaaftay lagu soo gabagabeeyey ayey wakiilladii xisbigu gudbiyeen mooshin ammuurtaa wax looga bedelyo iyo sidii loogu howl-geli lahaa, sida ay sheegtay Ida Legnemark, kana mid ah siyaasiyiinta deegaanka xisbiga Bidixda ee magaalada Borås, isla-markaana wixii axaddii ka horeeyay ka mid ahayd hoggaankii sare ee xsibiga.

- Waxaannu dhibaato u aragnaa in dhallaan iyo qaraabo Soomaaliya ku dhaqan aaney Sweden kula middobi karin shaksi Sweden ka jooga. Dalka waxaa maanta ka jira xeerar hor is-taagaya in qaraabada la mideeyo, maadaama aan la aqoonsaneyn aqoonsiyada Soomaaliya laga soo saaro. Waana mid loo baahan yahay in ciddii qaraabo Sweden ku lihi ey dalka si magan-gelyo leh ku soo gaadho, sida ay sheegtay.

Dhowr sannadood muddo iminka laga joogo ayay maxkamadda sare ee dalkan Sweden soo saartay go’aan la xiriira in si qaraabada loo mideeyo loo maro iyada oo labada dhinac ee qaraabada ee dooneya iney midoobaan laga qaado tijaabada dheecaanka DNA, si loo xaqiijiyo qaraaba-nimadooda. Tallaabadaasina oo suurtageliyay iney dalka Sweden ku midoobaan qooysas fara badan oo muddo kala maqnaa. Miyaaney haddaba middaasi ku filayn ama ka jawaabi karin sidii xal loogu heli lahaa? Waa su’aal aannu hor-dhigney Ida Legnemark:

- Waxaa noop muuqdey kiisas fara badan in dhallaan ku dhaqan dalka Soomaaliya suurtagal u noqon waydey iney Sweden kula midoobaan qoysaskoodii.

Mooshinka uu xisbiga Bidixdu ku mariyay shir-weeynihiisii toddobaadkii ina dhaafay aakhirkiisii uga qabsoomay magaalada Örebro iyo in cunaqabateeynta laga qaado ictiraaf-darrida lagu hayo dokumentiga laga soo saaro Soomaaliya ayaa sidoo kale ay sheegtay Ida Lagnemark (V) inuu salka ku hayo xeer hir-galay 1-dii bishii abriil ee sannadkii 2015, midkaasina oo la sharciyeeyey in hadduu labada waalid mid ka mid ah haysto dhalashada dalkan Sweden uu ilmaha u dhashaa si toos ah u noqonayo muwaadin iswiidhish ah. Meeshuu doona ha joogo ama guurku noocuu doonaba ha ahaadee. Dhibaataduse waxay rahay in aannu xeerkaasi qabaneyn ilmihii dhashay wixii ka horreeyay 1-dii abriil ee 2015. Waan mid dhibaato ku ah in dhallaan ku sugan soomaaliya oo uu waalidkii mid ka mid ah gacanta ku hayo aannu la midoobi karin waalidkii kale ee dalkan ku noolaa, sida ay sheegtay:

Soomaaliya oo in mudda ahba ku sugneeyd dagaal, kala dambeeyn la’aan, kala qoqobnaan ayaa sida la og-soon yahay ey qoraallada ka soo baxaa yihiin kuwo aaney dawladihii waddanka soo marey u suurtagelin sidii ey ku xakameeyn lahaayeen, iyadoona ay ciddii doontaba heli karto, iib-san karto ama foojari-gareeyn karto. Sidee haddaba lagu caddeeyn shakhsiyada lala mideeyneyo qaraabdood iney iyagii yihiin, kolka laga eego dhanka ammaanka?:

- Waa su’aal aad u adag, waana midda dhalisay in xisbiga Bidixdu (V) uu ugu soo ban-dhigo mooshinkaa kulan-weynihii wakiillada xisbiga ee dhowaantan qabsoomay. Jawab qeexan maanta ma heyno, hase yeeshee waxaannu dooneynaa in aannu helno, maadaama ey noola muuqato inuu daldaloollo badan leeyahay xeerka iminka jira, midkaasina oo caqab ku ah dhallaan badan, sida ay sheegtay Ida Legnemark,  xubinna ka ahayd golihii sare ee xisbiga Bidixda.

                                                                    knadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".