Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Hey'adda amniga oo kombiyuuterada si qarsoodi ku aqrisanaya

La daabacay torsdag 12 maj 2016 kl 12.07
Ygeman: hey’adda nabadsugida waa in fursaddan la siiyo
(2:19 min)
Tangentbord, Anders Ygeman och en polisbil.
Inrikesminister Anders Ygeman vill att polis och säkerhetspolis ska kunna följa med i den tekniska utvecklingen. sawir: TT. Montage: Sveriges Radio.

Barnaamij sir oo wax basaasa ayaa la gelinayo kombiyuuterka.

Xukumadda ayaa maanta go’aamineysa in la soo baaro Sweden la ogalaado kombiyuuterda in si qarson wax ku jira loo aqristo – tan oo noqon karta farsamo lagual dagaalami karo argagaxisada.

Wax ka micno noqon kartaa in boliska xaq loo siiyo kombiyuuterka qofka dembiga lagu tuhmayo lagu abuuro barnaamij wax basaasa ama jaajuusa.

– Boliska iyo hey’adda nabadsugida waa in ay la jaan qaadan horumarka teknoolajiyad lana siiyo fursad ay ku dhageysan karaan macluumaadka qarsoon.

Bishii december ayey xukumadda iyo xisbiyada alliansen isku afgarteen farsamooyin dhowr ah oo lagula dagaalamayo argagaxisada. Farsamooyinkas mid ka mid ah waxuu ahaa in la baaro wax loogu wacay aqriska sirta ah ee kombiyuuterada –”si loo hubiyo awood la jaanqaadida hurmarka macluumadka laysku dhaafsado teknoolijiyada”.

Sida ay ku heshiiyeen labadan garab, baaritaanka arrinkan waxuu ahaa in la bilaabo bishii mars. Utredningen skulle enligt den blocköverskridande överenskommelsen tillsättas i mars. Wakiilo ka tirsan xisbiyada alliansen ayaa ku xukmadda ku dhaleeceeyey in ay ka gaabisay meel marinta arrintan lagu heshiiyey oo waqtigii loogu talo galay in baaro lagala daahay.

- Xaajadan waa mid dag oo aan la fahmi karin, teknoolijiyad ahaan dhiban, shrci ahaan dhib badan. Sidoo kalena waa in laysku barbardhigo dhowrista sumcadda qof iyo dembi ka hortagid wax ku ool ah, ayuu yeri Anders Ygeman, wasiirka arrimaha guddaha.

Farsamadan la baarayo ee loogu wacay aqristka sirtaha ee kombiyuuterada ayaa waddamo badan sharci ka ah, sida Danmark iyo Norwey. Maata oo khamiis ahna xukumada ayaa go’aamineysa in baaritaan lagu sameeyo bal in loo baahan yahay sharic in la badelo si hey’adaha amniga xaq loogu siiyo adeegsiga farsamo u sahleysa in ay isla markiiba aqristaan macluumaadka kombiyuuterada iyo qalabyada kale teknoolijiyadda.

Waxayna u mari karaan in ay qofka argagaxisnimda lagu tuhmayo kombiyuuterka ku abuuraan barnaamjyo virus ah oo trojan la yiraahdo.

Hindise sharci oo arrintas ku sabsan waxaa la filayaa in ay soo baxdo november dhamaadka sannadka dembe.

- Dabcan arrintan ma ahan mid loo adeegsan doono dhamaan faldenbiyeedyada, ayuu yeri, Anders Ygeman wasiirka arrimaha guudaha, balse waa mid noqon karta farsamo wanaagsan haddii loo adeegsado falbembiyeedyada culus.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".