Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Magdhow la siinayo dadka la ildaran Narkolepsi

La daabacay torsdag 12 maj 2016 kl 14.10
" saddex, afar, illaa shan dalabyo bishii"
(2:02 min)
Sara Dunard Reuter ligger på en grön soffa. Foto: Anna Landelius/Sveriges Radio
15-jir Sara Dunard Reuter maalinkii dhowr goor ayey kursiga ku gama'daa . Foto: Anna Landelius/Sveriges Radio

Dadka magdhowga la siinayo ayey ku dhacday jirada hurdada kadib markii lagu duray dawo talal la yirahdo Pandemrix.

Maanta ayaa la filayaa baarlamaanka Sweden in uu go’aan ka gaaro sharci cusub oo maghdow siinaya dadka ay ku dhacday jirada narkolepsi.

Sida ku dhigan hindise sharci oo baarlamaanka horyaal magdhowga waxuu ahaanayaa ugu badnaa toban miljan oo kron, oo loogu talo galay in loogu gudo dhaqliga ka dhumay dadka jiradan la ildaran. Laakiin weli macada magdhowga la siinayo guud ahaan inta uu noqon doona maadaame ay weli jiraan dacwado arrinkan la xiriira oo soo baxaya:

– Waxaa jira dalab magdhow oo na soo gaaraya oo la xiriira jirada narkolepsi kadib markii dadkan lagu duray talaalka dawada Pandemrix, ayuu yeri Robert Ström, oo ah agaasimaha shirkadaha cymiska dawooyinka. Bil kasta waxaa na soo garaa sadex, afar illaa shan dalabyo, ayu raaciyey.

Guud ahaan dad gaaraya 475 qof ayaa gudbiyey dalbayo la xiriira magdhow in la siiyo kadib markii dowladda ugu baaqday dadka in ay iska talaalaan cudur faafo oo caalamka ka dilaacay. Balse dawada laygu talaalay ay ka qaadeen jirada narkolebsi oo ah jiro qof hurdo iyo lalamo ku ridda. 311 oo u dhiganta boqolkii 65 dadkii dalabyada magdhow gudubsaday ayaa dalabyadooda laga ogalaaday.

Si hadaba qof uga helo magdhow caymiska shirkadaha dawooyinka waxaa jira waqti loo xadiday oo ah inta ka soo wareegtay markii dawada uu qofka qaatay iyo markuu isku arkay calaamadda jiradaan. Idag waqtigu 16 bilood, laakiin waxaa ka dhaci karta in waqtigan wax laga badelo:

– hey’adda dawooyinka Läkemedelsverket waxay hada wadaa daraasad lagu eegayo arrintan, iyadoo natiijada la filayo in ay soo baxdo bartamaha sannadkan 2016ka, ayuu yeri Ropert Ström. Wax kastoo lagu yiraahdo natiijada daraasadas waan qaadaneynaa

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".