Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kongereska Miljöpartiet oo ka bilowday magaalada Karlsta

La daabacay fredag 13 maj 2016 kl 10.02
Fridolin: qalad waan galay eedana waan qaatay
(1:15 min)
Isabella Lövin Gustav Fridolin
Isabella Lövin och Gustav Fridolin. sawir: Jessica Gow/TT
  • 09.50 Åsa Romson ayaa qodbad jeedineysa
  • 10.50 Musharaxiinta u taagan hoggaaminta oo lagu dhawaaqayo
  • 11.00 Dood furan oo looga hadlayo manifestada doorashada
  • 12.10 Waxaa loo codeynayaa hoggamiyaasha xisbiga
  • 16.20 Natiijada ayaa la shaacinayaa

Maanta waxaa magaalada Karlstad ka bilowdey kulanweyanha xisbiga Miljöpartiet. Hoggaamiyaha hadda keli ku ah hoggaaminta xisbiga Gustav Fridolin ayaa saluugsan sida xisbigiisa u maareeyey dabeylahii xisbiga ka dhex taagaan beryahii ugu denbeeyey.

– Dabcan shaqsiyan waa sameeyey oo iga dhacay qalad, dhaleeceyn tuus ah ama dadbanna waa la ii jeediyey. Waxaan ahey qof qaata eediisa, waana laygu soo koriyey in markii xaalku adagyahay in aan shaqo adag qabto. Wax badan ayaa ka bartay dhacdooyinkii todobaadyadii ugu denbeeyey, ayuu yeri Gustav Fridolin hoggaamiyaha xisbiga Miljöpartiet

Maxaad ka baratay?

– Waxaan ka bartay markay dabeylahaan oo kale jiraan in warka la cadeeyo, markas ma ahan in jirto maldahad iyo wax la mid, ayuu yeri Gustav Fridolin hoggamiyaha Miljöpartiet o maanta xisbigiisa hortagi doona si uu u weydiisto kalsoonida hoggaminta xisbiga asaga iyo Isabella Lövin oo iyana dhawaan lo sharaxay hoggaminta ay baneysay Åsa Romson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".