Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Zlatan: ”Ciyaarta berito ee Parc des Princes ayaa iigu dambeeysa”

La daabacay fredag 13 maj 2016 kl 12.16
Zlatan
Zlatan sawir: Thibault Camus

Zlatan ayaa dhowaantan xaqiijiyay inuu ka tegi doono kooxda PSG. Ciyaarta berito ee ka dhici doonta Parc des Princes ayaa iigu dambeeysa. ”Sidiiyoo aan libaax ahay ayaan kooxda ugu soo biiray, waxaanan uga tegi anigoo taariikhda galay” sida uu cayaar-yahanku ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Qandaraaska uu Zalatan kula jiray kooxda kubbadda cagta ee PSG ayaa ku eg kuleeylahan. Iyadoona uu iminka Zlatan ku dhawaaqay in ciyaarta berito oo ku beegan 13-ka bisha maajo ooo kooxda PSG ee ciyaar-yahanku u dheelo ay la yeelan doonto kooxda mot Marseille ay tahay ciyaarta ugu dambeeysa ee uu u ciyaari doono kooxda PSG.

Zlatan ayaa kooxda PSG, kana ciyaarta dalka Faransiiska uu ku biiray sannadkii 2012. Hase yeeshee aanay illaa hadda cadeeyn kooxda iyo dalka uu ku wareegi doono. 

Muddadii afarta sannadood ahayd ee uu Zlatan qaybta ka ahaa kooxda PSG ayay kooxdaasi qaaday koobka kubbadda cagta ee dalka Faransiiska afar sannadood ee isku xigta. Hor-yaalkii sannadka ayuu illaa hadda dhaliyay 36 gool.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".