Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Romson oo qodbad dareen wadata ka jeedisay kulanweynaha MP

La daabacay fredag 13 maj 2016 kl 11.44
Romson: jihada u jeedno wey cadahay
(1:42 min)
romson mp-kongress
romson mp-kongress

Åsa Romson horey u ahaan jirtay mid ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Miljöpartiet balse dhawaan xilkas laga tuuray ayaa maanta markii ugu horeysey qodbad ka horjeedisay wakiilada xisbiga oo kulanweynahooda sannadka la ah ku leh magaalada Karlstad.

Romson ayaa qodbaddeeda ku bilowdey in ay isku barbardhigta sida uu xisbiga Miljöpartiet loo arkey inta ay uusan biirin xukumadda oo uu mucaaradka ahaa iyo sida maanta loo arko.

- Shan sanno ka hor waxaan Miljöpartiet waxuu ahaa xisbiga loo arko casri oo dadka intoodada badan ka helaan. Halka maanta sawir laga heysto xisbiga uusan sidaas u wanaagsaneyn. Sawirka laga heysto siyaasiga iyo xisbiyada isbaddel ayaa ku yimid, sida loo qiimeyana waa adkaatey. Cimilada doodaha iyo aragti curintana waa isbeddeshay

- Waxaan doonaya in qirto in aysan badanaa aheyn mid sahlan ka hoggaamiye ahaan in aan arrimahan si kalsooni ku dhisantahay uga maqasuuso.

Laakiin ayaa qodbadeeda ugu baaqdey wakiilad xisbiga in aan dib la fiirin ee horey loo socdo.

- Hor u socda xisbiga bay’adda iyo dhaqdhaqaaqa dooga waxay tahay in la meel mariyo isbaddel siyaasadeed oo ku taagan bulshada bini’aadnimada ku weyntahay oo dhamaan carruurta oo dhan ka dhexmuuqdaan horumarna ka dhex sameyn karaan.

- Annaga marna kamo aanan labo labeyn jihadaas, jihadaasna ayuu isteerinka noogu xiran yahay si cad oo aan labo labo ku jirin, ayuu tir Åsa Romson

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".