Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxda waqooyiga yurub oo kulan taariqi ah loogu qabanayo aqalka cad

La daabacay fredag 13 maj 2016 kl 12.30
Löfven möte Usa
Foto: TT

Maanta ayuu ka dhaci doonaa kulan sare Washington oo u dhaxeeya madaxa waqooyiga Yurub iyo madaxweynaha Mareykanka.

Stefan Löfven ra’iiska Sweden ayaa ka mid ah madaxda kulankas ku marti qaadan oo ka qayb-galaysa. Löfven madaxda kale ee waqooyiga Yurub waxaa aqalka cadka ee Mareynka ku marti qaadey Brack Obama madaxweynaha Mareykanka.

Kulankan sare ayaa looga hadli doonaa siyaasadda amniga, cimilada iyo weliba arrimaha la xiriira heshiiska suuqa xortaga ah ee la yiraahdo TTIP.

Caawey ayaa la filayaa madaxweyne Obama madaxdan ku marti qaado casho ka dhaci doonta aqalka cad.

Ka sakow Stefan Löfven, madaxda kale ee Obama marti qaadey waxaa ka mid ah ra’iiska Danmarka, Norwey, Island iyo madaxweynaha dalka Finland.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".