Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hub dhuumaaleeysi loogu soo wadey argagixisada Sweden ku sugan

La daabacay fredag 13 maj 2016 kl 16.06
Bunduq iyo miinooyin saaran miis.
Hub tuuga-nimo la damacsanaa in tuuga-nimo lagu soo geliyo Sweden. sawir: Bosnienserbiska inrikesdepartementet

Shan ruux ayaa lagu qabtey waddanka Boosniya, halka mid kalena lagu qabtey dalkan Sweden, kuwaasina oo lagu tuhun-san yahey iney damac-sanaayeen dhuumaaleeysi iney hub ugu soo geliyaan, isla-markaana gacanta u geliyaan xag-jirrada islaamiyiinta ee dalkan ku dhaqan, sida ey sheegeen hayadaha dalka Boosniya.

Ragga la tuhun-san yahay oo shalay gacanta lagu dhigey ayaa lagu kala qabtey magaalooyinka Gradiska iyo Laktasi oo labaduba dhaca carriga Boosniya, gaar ahaan gobolka Serbiska, sida ay sheegtay wasaaradda arrimmaha gudaha ee Boosniya. Dalka Sweden ayaa shakhsi lagu qabtey, hase yeeshee aan laga war-heyn goobta lagu qabtey, halka laba kalena lagu daba joogo, sida wasaaraddu shegtay.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".