Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hindise sheegaya in ay dawladdu la wareegto maalgelita iskuulada

La daabacay måndag 16 maj 2016 kl 11.21
Anna Ekström: "Natiijada ardaydu hoos ayey u dhacday"
(2:34 min)
Gustav Fridolin och genrebild på pengar
Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin. Sawirle: Henrik Montgomery /TT sawir: Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin. Sawirle: Henrik Montgomery /TT

Guddida iskuulada Iswiidhan, skolkomissionen, ayaa maanta soo jeediyay  hindise u jeeda in ay dawladdu la wareegto maalgelinta iskuulada waddanka, hawshaas oo maanta saaran degmooyinka. Islamarkaas ayuu hindisahani, hadii la dhabeeyo, u surtogalinaya qooysaska in ay keligood doortaan iskuulka ay caruurtoodu dhiganayaan.

Hindisahan ayaa ku saabsan laba qeeybood. Kuwan ayaa ah in ay dawladdu go´aamiso inta lacag u arday kasta u baahan yahay si loo wanaajiyo waxbarashada iyo caafimaadka kuwan. Lacagtan oo loo waafajinayo baahida uu arday kasta qabo. Islamarkaas na la go´aamiyo heerka ugu hooseeya ee misaaniyada la gelinayo.

Hindisaha kale ayaa u jeeda in ay dawladdu la wada wareegto maalgelinta iskuulada waddanka.

Labada hindise iyo ka loo soo bandhigi doono dawladda, ayaa la go´aamin doona bisha february sannadka dambe 2017.

-Sababta aan u doonayno in ay dawladdu la wareegto masuuliyada iskuulada ayaa ah in natiijada ardaydu hoos u dhacday sanadyadii ugu dambeeyay. Ta kale ayaa ah in ururka OECD shaaciyay baadhitaan sheegaya in habka loo maalgeliyo iskuulada saameeyn weyn ku leedahay natiijada ardayda, ayey sheegtay Anna Ekström, maamulaha guddida iskuulada Iswiidhan.

Qorshaha kale ee ka yimid guddida iskuulada waddanka ayaa ah in la kantaroolo iskuuladda in arday kasta siiyaan wakhtigii waxbarashada ee uu xaqa u lahaa. Hadii ay iskuuladu jabiyaan heshiiskas na la ciqaabo. 

Guddida iskuulada ayaa rajeenaya in uu hindisahani kor u qaado natijada waxbarashada ardayda, tusaalahan in ay kordhaan tirada arday ee dugsiga sare ee gymnasiet u gudba. Boqolkii ba 89, halkey maanta tahay boqolkii ba 86.

-Haa maacquul weeye, hadii ay wadamada jarkeenu ka soo baxeen taas, anaguna waa in aanu ka soo baxno, ayey sheegtay Anna Ekström.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".