Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Magaalada Göteborg oo ay maanta maxkamad wayni ka bilaabatay

La daabacay måndag 16 maj 2016 kl 13.57
Cumar: "waalid jooge maqane ah"
(8:11 min)
Göteborgs tingsrätt. Foto: Andreas Kron
Göteborgs tingsrätt. Sawirle: Andreas Kron

Magaalada Göteborg ayay saaka ka bilaabatay maxkamad lagu soo oogey eedeeysaneyaal lagu tuhun-san yahay rasaaseeyn ka dhacday maqaaxi lagu magacaabo Vår krog och bar ee ku taala Göteborg.

Maxkamad ku taala magaalada Göteborg ayaa maanta waxaa ka bilowdey dacwad lagu soo oogey siddeed nin oo lagu eedeeyneyo iney gacan ku lahaayeen xabadeeyn ka dhacday makhaayad ku taala nawaaxiga Vårväderstorget ee magaalada Göteborg sannadkii ina dhaafay 2015.  Ciidanka ammaanka ayaa aad u adkeeyay ammaanka maxkamadda, maadaama ay dhacdadani kicin karto dareen aad u wayn, sida uu sheegay af-hayeenka ciidanka ammaanka Thomas Fuxborg.

Cumar wuxuu ku dhaqan yahay magaalada Göteborg. Wuxuuna ka mid yahay shakhsiyaadka u istaagay sidii ey gacan uga geeysan lahaayeen badbaadinta dhallaanka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Göteborg, gaar ahaan dhanka tacliinta sidii ey guul uga gaari lahaayeen, hoowshaasina oo ay u dheer-tahay shaqadiisa caadiga ah ee darawl-nimo.

 

Haddaba maxkamaddan saaka ka furantay magaalada Göteborg ee la xiriirta xabadeeyntii ka dhacday sannadkii ina dhaafay maqaayadda ” Vår krog och bar”, halkaasina oo ey laba ruux ku naf-waayeen ugu yaraanna ey siddeed ruux ku dhaawacmeen oo aannu wax ka weeydiiney Cumar, mar aannu khadka telefoonka kula xiriirney ayuu noo sheegay in dhacdooyinkan oo kale ey marar badan horay uga  dhaceen magaalada Göteborg:

Isha/ Göteborgs tingsrätt, TT.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".