Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka dhameeystira SFI oo shaqo hela

La daabacay måndag 16 maj 2016 kl 12.48
Karin Sandwall: "Waxaan aragnay muhimada ay waxbarashadani leedahay"
(1:23 min)
Refugees find better paid work when they complete the SFI language program. Photo: Jessica Gow / TT.
Refugees find better paid work when they complete the SFI language program. Photo: Jessica Gow / TT.

Baadhitaan u wargeeyska Dagens Nyheter sameeyay ayaa sheegaya in dadka dhameeystira waxbarashada luuqada ee SFI si sahlan u soo galaan suuqa shaqada, marka loo barbardhigo kuwa aan dhameeysan SFI.

Dhanka kale ayaa baadhitaankan laga arkay in boqolkii ba 36 dadka aan dhamaysan waxbarashadan dakhligoodu dhaafsiisanyahay 13 000 koroon bishii, halkey tiradani ka tahay boqolkii ba 66 dadka dhameystiray SFI oo dakhligan hela. Tan ayaa ka dhigan in u jaaniskoodu ka sarreeyo in ay dakhligi dhaafsiisan 13 000 helaan marka loo barbar dhigo kuwa aan dhameeysanin waxbarashadan.

Natiijadan ayaa sido kale laga arkii kara dadka wadamadooda wax ka soo bartay.

Karin Sandwall ayaa ka howlgasha xarunta dhexe ee barashadda luuqadda iswiidhishka ee ajaaniibta ee jaamicadda Stockholm.

-Hadda marka aanu baadhitaankan ka aragnay muhimada ay waxbarashadani leedahay iyo sida ay u saameynayso dadkan waa in ay degmooyinku istraatijiyo waxbarashada dadkan wanaajiya soo saaraan, khaasatan xaalada ka jirta waddanka iyo qaxootiga faraha badan. Waxaan u baahnaan laheeyn ugu yaraan 5000 macallin oo dadkan caawiya, ayey sheegtay Sandwall mar ay wareeysi la qaadatay wargeeyska DN.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".