Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga iyo caafimaad darrida maskaxeed ee la soo gudboonaada

La daabacay onsdag 18 maj 2016 kl 09.55
Salah Haghgo: "Si kasta ayaa lii xumeeyay"
(2:54 min)
Salah Haghgo oo la ildaran dhibaatoyiinkan.
Salah Haghgo oo la ildaran dhibaatoyiinkan. sawir: Johan Bergendorff / Sveriges Radio

Boqolkiiba toban qaxootiga ee waddanka yimid, islamarkaasna magangelyo codsaday ayaa la ildaran dhibaatooyin maskaxeed salka ku haya dhacdooyin ay horay u soo mareen, waxaa af iswiidhiska lagu yidhaahdo "posstraumatiskt stresssyndrom". 

Baadhitaan ammuurtan ku saabsan oo ay sameeysay laanta wararka Ekot ayaa lagu ogaaday in dadkani u baahan yihiin daryeel caafimaad.

Waxaa loo maaleeynaya in ay tiro gaadhsiisan 12.000 oo ka mid ah qaxootiga sharciga helay amba codsaday dhiibatadan la ildaranyihiin. Hasayeeshee uu waddanka ka jiro 3.200 boos oo keliya oo dadkan lugu daaryeeli karo.

Salah Haghgo ayaa waddanka Iraan ka soo gaxay 13 sanno ka hor ka dib marka jidh dil loo geeystay. In kasta oo ay intaas oo sannadood ka soo wareegtay dhacdadan ayuu weli xasuusta dhibaatadii loo geeystey.

-Wax kasta ayaa la igu sameeyay, waa la i jirdilay, waa lay kufsaday. Markaan quraaradaha beebsiga arko muruqyada ayaa i koga, ayuu sheegay Salah Haghgo.

Haghgo ayaa maskaxda ka dhaawacmay mar u shaqadiisa ku duqeeyay gadiidka yar ee wax lugu qaado. Ka dib dhacdaa ayuu jidhkiisu bakhtiyay, dhaqaaquna ku adkaaday. Haghgo ayaa hadli kari waayey, middaasina ugu wacan tahay mushkiladooyinkii uu soo maraay markuu Iraan deganaa.

Laba sanno ka dib dhacdodan ayuu caafimaadkiisu soo laabtay. Islamarkaas ayaa laga caawiyay si uu dhibaatooyinkan uga baxi lahaa hadii ay mar labaad ku soo laabtaan.

Jaamacada ururka lanqeeyrta cas ayaa hadda cilmi baadhiis ku saabsan caafimaadka qaxootiga wadda. Halkaas ayaa la baadhaya inta qaxooti ee dhibaatooyinkan haysta. Fredrik Saboonchi ayaa jaamacadan professoor ka ah.

-Waxaan qiyaasi lahaa in ay boqolkii ba sagaal amba tobaan qaxootiga la ildaranyihiin dhibaatooyinkan, ayuu sheegay.

Dhanka kale ayuu sharciga cusub ay dawladdu ku talo jirto in ay hirgaliso caafimaadka dadkan si xun u saameeynaysa. Kan ayaa hadii la dhabeeyo ka dhigan in ay qaxootiga la siin doono sharci meel ku gaadh ah, sido kale ayaa shuruudaha lugu atkeeynaya markey qoysaskooda keensanayaan.

Monica Brendler ayaa ah sarkaalad ka hoowl gasha xarunta dadyoowga siyabaha kala duwan loo jidh dilay.

-Qaar ka mid ah qaxootiga dhibaatooyinkan haysta ayaa caruuro leh, waa in la caawiyo inta aaney dhibaatoyinkan u gudbin caruurahooda, ayey sheegtay Monica Brendler.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".