Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhakhtar dhaleecaynaya qiimeeynta caruuraha kelinimada ku yimid

La daabacay onsdag 18 maj 2016 kl 15.00
Håkan Mörnstrand: "Lama cadeeyn karo in u habkani ka fiicanyahay kii hore"
(1:53 min)
läkare
sawir: Claudio Bresciani/TT

Habka cusub ay dawladuu ku qiimeeyso da´da caruuraha kelinimada waddanka ku timaada ayey dhowr dhaktaro dhaleecayeen.

Kuwaan ayaa warqad u qoray wasiirka socdaalka ee Morgan Johansson halkey ka cabanayaan habka cusub.

Håkan Mörnstrand ayaa ah dhakhtar ku takhasuusay qiimeeynta da´da, waxaa af iswiidhiska lugu yidhaahdo ”Rättsodontolog”, kana mid ah dhakhtarada qoraalka u diray Johansson.

-Wax cadeeyn ah oo sheegaya in u habkani ka wanaagsanyahay kii hore ayaan jirin, ayuu sheegay.

Wuxuu waagi u dhakhtarka ahaa soo maray boqolaal baadhitaan halka u qiimeeyay da´da caruuraha kelinimada waddanka ku yimid. Wuxuu hubaa in ay ugu yaraan qaadanayso sannad inta ay dhakhtaradu habka cusub la qabsan doonan, halka da´da caruurahan laga qiimeeynayo sawir laga qaaday jilibkooda iyo isgooysga cagta, af iswiidhish ”fotled”.

Håkan Mörstrand ayaa ka mid ah shanta dhakhtar ee habka cusub dhaleecaynaya. Wuxuu u jeeda in qaabkan cusub oo la bilaabay in wadamadda qaar laga isticmaalo, la cedeeyn karin in u kii hore ka fiicanyahay.

Fikirkan ayaanu Carl- Erik Flodmark oo ah dhakhtarka caruurta la qeeybsaneeyn Mörnstrand. Flodmark ayaa ahaa shakhsigii ka dambeeyay in ay heeyadu caafimaadku soo jeediso hindisahan.

-Mushkulada ugu weyn ayaa ah in u habkii hore oo ilkaha caruurahan la baadhi jiray tayo haysanin. Macquul maaha in aad ilkaha keliya eegtid, dabeetana qiimeeysid in u qofku gaadhay 18 jir, ayuu sheegay.

Habka cusub ayaa hadii ay dawladdu fasaxdo la dhabeeyn kara biloowga sannadka dambe, 2017.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".