Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hab cusub oo lugu qiimeeyo caruuraha kelinimada ku timid

La daabacay fredag 20 maj 2016 kl 10.03
Morgan Johansson: "Waa in aanu ilaalino amniga caruuraha da'dooda rasmiga ah isku dhiibay"
(2:12 min)
Sawir metelaya qof kelinimo ku yimid.
Sawir metelaya qof kelinimo ku yimid. sawir: Jessica Gow.

Dawladda ayaa bisha dambe bilaabaysa in ay tijaabiso hab cusub oo da´da caruuraha kelinimada waddanka ku yimaada lugu qiimeeyo.

Dawladda waddanka hogaamisa ayaa go´aamisay in ay heeyada qiimeeysa da´da dembilayaasha, rättsmedicinalverket, sida ugu dhakhsada badan bilaaban in ay caruurahan qiimeeyaan.

Habka cusub ayaa ka dhigan in sawir laga qaado jilibka amba isgooyska cagta si dabeetana loo qiimeeyo inta ay jiraan.

Wassiirka caddaaladda Iswiidhan, Morgan Johansson ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la baadho da´da rasimiga ee caruurahan.

-Anaga qudheena ayaa la habsaanay in aanu dhabeeyno habkan cusub. Waana muhiim in lugu bilaabo caruurahan si aanu u ilaalino amniga caruurta da´dadooda rasmiga ah isku dhibay ee xeerooyinka qaxootiga degan, ayuu sheegay Morgan Johansson.

Bishii nofeembar sannadkii hore ayey dawladdu soo bandhigtay hindisahan iyo qaar kale, si loo dhimo tirada qaxooti ee halkan sharci ka codsata.

Hasayeeshe ayey dhowr heeyadood dhaleecayeen habka cusub oo aan la hubin in u cadeeyn karo da´da caruurahan, waa sida ay iyagu u sheegeen.

Heeyada caafimaadka, Socialstyrelsen, ayaa ka mid ah kuwaan oo u jeeda in loo baahan yahay in caruurahan kaameerad la wada geliyo, magnetröntgen, si loo xaqiijiyo da´dooda, islamarkaas na loo baahan yahay in cilmi baadhis cadeeynaya habka ugu wanaagsan la sameeyo.

Rättsmedicinalverket ayaa ah heeyad baadha arrimaha dembiyadda la xidhiidha, in ay hadda masuuliyadda caruurahan qaadan ayaa u baahan shaqaale dheerad ah. 15 Bisha juun sannadkan ayey heeyadani dawladda u gudbinaysa si u habkan cusub u shaqeeyay, dawladda ayaa rajeeynaysa in bisha nofeembar sannadkan la dhabeeyo habka cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".