Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka maxkamada looga turjumo oo si caddaalad leh loo qiimeeyn

La daabacay fredag 20 maj 2016 kl 11.17
Annika Staaf: "Si xun ayey u saameeynaysa dadka turjubaanka u baahan"
(1:57 min)
Domarklubba på lagbok. Foto: Jessica Gow/TT
Mark- och miöljödomstolen har sagt sitt. Arkivfoto: Jessica Gow/TT.

Dadka turjubaanka u soo kaxeeysta maxkamada ayaa khatar ku jira in  kiiskooda si caddaalad leh loo qiimeeyn. Sidaas ayaa laga ogaaday cilmibaadhis ay jaamacada magaalada Malmö si wadajir ah ula sameeyeen jamaacada Linné ee Växjö.

Cilmi baadhahaan ayaa baadhay 40 kiis oo maxkamadeed, halkaas ayaa laga arkay in dadka turjubaanka soo kaxeeysta khatar ku jiraan in si caddaalad ah loo qiimeeyn kiiskooda, marka loo barbardhigo dadyowga afka Iswiidhiska jaqaana.

-Si xun ayey u saameeynaysa dadka turjubaanka u baahan, sidaas ayaanu ka aragnay baadhitaanada aan ku sameeynay arrinkan, ayey sheegtay Annika Staff oo ”Rättssociolog” ka ah jaamacada magaalada Malmö.

Tusaalahan ayaa marka kiisaskan la sii baadhay la arkay in isfahan l´aan fahan ka jirta dhinaca turjubaanka sababay inu kani warbixin khaldan u gudbiyay xeerilaaliyaha kiiska wada.

Cilmibaadhahan ayaa 40 kiis ay baadheen arkay khaladyo noocan oo kale ah.

-Xitaa waxaan aragnay in turjubaanku iyo qofka uu u turjumayo  hadal dheer isla galaan, dabeetana u turjubaanku hadal gabaan oo ”haa” amba ”may” ah u gudbiyo maxkamada . Waan dareemi karna in uu turjubaanku si sax ah wax u turjumin, ayey sheegtay Annika Staaf.

Tirokoobka ayaa sheegaya in dadka ajaanibta ah xukun ka adag dadyowga kale laga siiyo maxkamadaha waddanka. Annika Staaf ayaa u jeeda in ay sababtu ahaan karto in ay turjubaanadu aqoon u lahin si maxkamadaha looga turjumo.

Fikirkan ayey Anne Ramberg oo ah agaasimaha guud ee ururka qareemada la qeebsanaysa Staaf.

Ramberg ayaa sheegtay in ay mushkuladani sii kordhayso, maadama ay kiisaska maxkamadeed ee ku saabsan diidmooyinka sharciga deganaashaha soo kordhi doonaan wakhtiga fooda inugu soo haya.

- Badanka turjubaanadan ayaa halkan ku soo koray, islamarkaas na afka ay ku turjumayaan si wanaagsan u garaneeyn, ayey sheegtay Anne Ramberg, agaasimaha guud ee ururka qareemada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".