Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

U codeeynta heshiis ey wada gaareen Naato iyo Sweden

La daabacay måndag 23 maj 2016 kl 12.26
Muran ka dhex aloosan S iyo MP gudahooda
(2:31 min)
Maraakiibta dagaalka Nato iyo calammada Mareeykanka iyo Nato. Sawirle: TT
Maraakiibta dagaalka Nato iyo calammada Mareeykanka iyo Nato. Sawirle: TT sawir: TT

Arbacada foodda innagu soo haysa, bisha maajo-na ku beegan tahay 25 ayaa lagu wada in xil-dhibaannada baarlamanku u codeeyaan heshiis qalinka lagu duugo oo uu dalkani la galo ururka gaashaan-buurta Naato.

Heshiiskan ayaa maareeyn doona tababarrada ciidan ee ciidammada Naato ku sameeyn doonaan, ama ku sameeyn kari lahaayeen dalkan Sweden.

Dhammaan xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka dalkan Sweden ayaa isku raac-san in heshiiskaa qalinka lagu duugo, marka laga reebo labada xisbi ee Bidixda (V) iyo xisbiga Sverigedemokraterna (SD). Halka dhanka kale ey xisbiyo badani ka jiraan isku waafaq-sanaan la’aan, gaar ahaan xisbiyada Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP).

Gabagabadii toddobaadkii ina dhaafay ayay caddaatay dhanka kale in qalin ku duugga heshiiskaasi ay dhici karto inuu sannad dib u dhaco. Maadaama uu xisbiga Sverigedemokraterna (SD) qaatay tallaabo u dhiganta midda uu xisbiga, V ku tallaabsaday, isagoona uu xisbiga SD cuskaday xeerka u degsan baarlamanka ee sannad dib loogu dhigi karo hir-gelintiisa.

- Dib u dhigista sannadka ee xeerkan ayaa sababi karta in waddammada caalamku shaki geliyaan kalsoonida ey dalkani ku qabaan iyo inuu yahay waddan dhex-dhexaad ah. Sidaa daraadeed waxaannu u codeeyn doonnaa sidii heshiiskan dib loogu dhigi lahaa muddo sannad ah, sida uu sheegay Mikael Jansson, kana mid ah xil-dhibaannada baarlamanka u metela xisbiga SD mar uu u warramayay hayadda wararka Sweden ee TT.

Xisbiyada SD iyo V ayaa xubnaha baarlamanka soo hor-dhigi doona in sannad dib loo dhigo heshiiskan. Waana mid taabac-san xeerka baarlamanka u deg-san ee dhoowraya xuquuqda xisbiyada laga tirada badan yahay. Hase yeeshee loo baahan yahay in ugu yaraan lix daloolow dalool ee xildhibaannada baarlamanka ku jiraa isku raac-san yihiin fikirkaa si dib loogu dhigo.

Xisbiga SD ayaa baarlamanka ku leh xubno gaarsiisan 48 halka uu xisbiga V, ku leeyahay 21 xubnood. Waana tiro gaareeysa lix daloolow dalool ee tirada guud ee xil-dhibaannada baarlamanka oo ka kooban 349 xubnood.

Isha/ P4 Gotland

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".