Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dayrta oo la furi doono waxbarasho imaamnimo

La daabacay måndag 23 maj 2016 kl 15.00
Sweden oo laga furi doono tacliinta imaammada
(3:46 min)
Masjidka xaafadda Södermalm ee magaalada Stockholm.Sawirle:Digitala Bönder/Flikcr
Masjidka xaafadda Södermalm ee magaalada Stockholm.Sawirle:Digitala Bönder/Flikcr

Dalka Sweden , caasimaddiisa ee magaalada Stockholm ayaa dayrta foodda innagu soo haysa ee sannadkan laga furi doonaa wax-barashadii ugu horreeysay ee tacliinta imaam-nimada.

Tallaabadaasina oo uu qaadi doono dugsiga wax-barashada dadka waaweyn ee Kista folkhögskola. Waana wax-barsho muddo lagu haminayay sidii loo bilaabi lahaa, sida uu sheegay maamulaha dugsiga Abdulkader Habib.

– Baahida loo qabay tacliinta noocaani ah ayaa aad u waynayd, halka ay iminka masaajidda iyo ururrada muslimiinta hor-jooge ka yihiin dad aan xirfad iyo aqoon u lahayn diinta. Sidaa daraadeed ayaa loogu baahan yahay in la helo dadyoow dalkan lagu tacliin baray, aqoonna u leh hab-nololeedka sweden iyo aqoonta diintaba.

Su’aasha la xiriirta wax-barasho dalkan lagu siiyo oo lagu soo saaro imaammo muslimiin ah ayay dood ballaarani ka socotay muddo sannado ah. Sannadkii 2008 ayuu wasiirkii tacliinta sare ee waagaasi Lars Leijonborg uu soo jeediyay fikir la xiriira in dalka laga bilaabo sidii lagu soo saari lahaa imaammo iswiidhish ah oo ay dawladdu masuuliyaddeeda gacanta ku hayso.

Waagaasina oo la bilaabay baaritaan ammuurtaa lagu sameeyo iyo ciddii masuuliyad ka qaadi lahayd wax-barashadaa. Iyadoona aakhirkii lagu gaaray baaritaanka in aanay dawladdu masuuliyad ka qaadi karin tacliin noocaasi ah, maadaama ay tallabadaasi jebinayso xeerka dhexdhexaad-nimo ee dawladda ka taagan tahay diinta (in diinta iyo maamul-dawliga la kala saaro).

Hase yeeshee uu iminka dugsiga wax-barashada dadka waawayn ee Kista uu iminka isagu tallaabadaa qaaday iyo sidii lagu bilaabi lahaa markii ugu horreeysay taariikhda dalkan wax-barasho lagu soo saaro imaammo, kuna wajahan hoggaannada muslimiinta.

 Waxaannu u tababari doonnaa culuunta diinta iyo hoggaaminta. Sannadka ugu horreeya waa soo ban-dhigid (introduktion). Halka sannadaha ku xiga ey noqon doonaan u diyaarinta iyo hoos u dhaadhicidda culuunta diiniga. Dabadeed waxaannu rajeeynaynaa in tababar ey ku galaan, sida uu sheegay Abdulkader Habib.

Hab sidee ah ayaa lagu maal-gelin doonaa tacliintan?

– Maadaama uu yahay koorasyo la xiriira wax-barashada dadka waawayn (folkhögskolekurs) waxaa lagu maal-gelin doonaa taageerada dhaqaale ee dugsiyadaa loogu baaqo oo aannu heley.

Tacliinta imaammada ayaa lagu maal-gelin doonaa miisaaniyadda ay dawladdu sannad walba u qoondeeyso, isla-markaana loo qeeybiyo dugsiyadaa

Waana habka ay dawladdu ku taageeri karto, hase yeeshee masuuliyadda wax-barashada waxay dusha ka saaran tahay dugsiga wax-barashada dadka waawayn ee Kista.

– Waa howl siin doonta xasilooni. Qaar badan ee muslimiinta ka mid ah ayaa ka maarmi doona inay dalka ka safraan oo ey u amba-baxaan waddammada bariga dhexe iyo sidii ey uga soo baran lahayeen tacliinta iimaam-nimo.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".